Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey » ISLAM
Fadlan Caawi:- Dhibane Kayse Yuusuf Jinac, Oo In Mudo Ah Xanuuno Kala Gadisan La Liitey Gudaha Magaalada Buuhoodle.
Kayse Yuusuf Jinac, Waa dhibane in mudo ah la liitey Xanuuno kala duwan, Isla markaana xaaladiisa caafimaad tahay mid liidata.
Dhibanahan oo aan haysan wax dareyeela isla mar ahaantaana la liita xanuunadan oo kala ah” Macaan,Dhiigkar, Faalig” Yadoo ay jirto in aan waxba lagaga qaban karin xanuunadan gudaha deegaankan Buuhoodle ee dhulbahante ciideed.
Ayaa waxaa u sii dheer dhibanahan in ay haysato xaaladiisa caafimaad oo ah mid liidata, Sidoo kalena aanu haysan wax Daryeel ah,
In Mudo ahna uu bukaan la jiifey, Yadoo aanu wali helin wax daryeel ama gar gaara oo kasoo gaara Wallaalihiisa muslimiinta ah, Hadaba waxay ehelkiisa oo ah kuwo aan awoodin inay wax ka qabtaan  xaalada Caafimaad iyo Daryeelka dhibane”Kayse Yuusuf Jinac” ay usoo ban dhigeen shabakada wararka Allssc.com
Yadoo ka codsanaya dhamaanba shacabka reer Khaatumo State ee ku kala sugan dal iyo dibadba inay ka caawiyaan, kana qeyb qaataan sidii meel loogu qaadi lahaa dhibanahan oo la liita Xanuunadan kor ku xusan ee kala duwan.
Ugudanbeyntii shabakada wararka Allssc.com oo u kuuro gashay xaalada caafimaad ee dhine; Kayse Yuusuf Jinac, Ayay xaaladiisu ula muuqaneysay mid aad u liidata oo aan waliba haysan wax daryeela.
Waxaanuna u soo gudbineynaa dhamaanba Wallaalahayaga Muxsiniinta ah ee ku kala sugan dal iyo dibad inay soo caawiyaan Qoyska; Kayse Yuusuf Jinac,oo ah dhibane la liita Xanuuno aad u waaweyn isla markaana ay soo riteen Xanuunadaas oo kala ah sida tan” Dhiikar,Faalig,Macaan”
Fadlan Caawi Dhibanahan Kalana Soo Xidhiidh Ciwaankan ;-
Hooyo; Sahra Maxamed Kaarshe
Number: 002522-449-2515
Mucjiso: Halkan Ka Daawo Sijaayad Gabadhii ku Tukanaysay Salaadii Uga Baxday Filim Ay Jeclayd Oo Soo Galay TV-ga Iyo Sijaayadii OO Tukanaysa.
Gabadh u dhalatey wadanaka Ciraaq ayaa lasoo weriyey in iyadoo salaad ku jirta ay maqashay inuu soo galay filim musasal ah oo ay u jeclayd. Gadbadhii markii ay maqashay muusikadaii ay ku taqaanay musasalka ayay intay salaadii ka baxday u cararyey dhankii TV-gu yiilay Subxaana Laah. Waxaa hadaba muccjiso noqotay kadib markii sijaayadii gabadhu ku tukanaysay Ilaah qudradiis ay yeelaytay muuqaalkii gabadhii salaada filimka uga baxday, una eg in qof dumar ahi ku dhexjirto oo atixiyaat u fadhido. Arintani markay dhacday ayaa dadkii deriska ahaa oo dhami isugu soo baxay mucjisadan rabaaniga ah oo ay ka duubeen muuqaalkan aad arki doontid.
Hadaba su’aashu waxay atahay imisa inaga mid ah ama aad taqaaniin oo salaada ka hormariya waxyaabo badan oo khiyaali ah. Waxaanu filaynaa in arintani ay tusaale inoogo filantahay dhamaanteen.
Halkan Hoose Ka Daawo
Allssc News Desk
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Odayaasha Buuhoodle Qaarkood Oo Dabinkii Rag Hore Loo Dhigay Ku Socda Inay Ku Dhacaan(Dhegeyso Daawo) Sir Laga Qabtay Odayaasha Buuhoodle Iyo Wasiiro SNM Ah)
Daawo Video
Hannaanka dhaqaalaha Islaamka (qeybta 1aad) Sh. C/Qani Xuseen M’ed
Cudur Daarasho:
Maqaalkan waxaan qayb ahaan diyaariyey, inaan faafin doonana ballan qaaday dhammaadkii sanadkii 2008dii oo ahayd wakhti ay cusbayd dhibaato dhaqaale oo caalamka gilgishay kana dhalatay burburkii suuqyada maaliyadeed ee mareykanka, wakhtigaas oo aan qoray maqaal lagu faafiyey websites badan iyo warsidayaal kaleba, lana magac baxay“Fuuq baxa suuqyada maaliyadeed ee Mareykanka”, kaasoo ka koobnaa laba qaybood. Hadaba waxa aan aad iyo aad u raalli gelinayaa akhristayaashii maqaalladaas hore la socday iyo walaalihii wakhtigaas ila soo xidhiidhay ee iga codsadey inaan dhamaystiro maqaalka, aanse ka gaabiyey wakhtigaas inaan ballantaydii oofiyo ama codsigoodii fuliyo.
Habeynta maqaalka
Habeynta maqaalka
1)      Hordhac- macnaha cilmiyeed ee dhaqaalaha
2)      Macnaha dhaqaalaha islaamka
3)      Mabaa’dida guud ee dhaqaalaha islaamku ku dhisan yahay
4)      Kala duwanaanshaha dhaqaalaha islaamka iyo dhaqaalaha kale
Hordhac
Waxaynu maqaalladii hore kaga hadalnay, si koobanna u sharaxnay dhibaatadan ku habsatay ee ragaadisay socodkii suuqyada maaliyadda ee adduunka, gaar ahaan mareykanka iyo sababaha ugu muhiimsan ee burburkaa ka danbeeyey.
Fadlan eeg linkiyadan si aadd u akhrido:
Fuuq-baxa suuqyada maaliyadeed ee mareykanka (q.1aad).
Fuuqa-baxa suuqyada maaliyadeed ee mareykanka (q.2aad)
Hadaba nuxurka qoraalkani waxa uu noqon doonaa in aynu waxoogaa hoos ugu daadegno:
1-      Hannaanka dhaqaalaha islaamka (Islamic economy system).
2-      Hagardaamooyinka dhabta ah ee ku jira hababka dhaqaale, gaar ahaan hannaanka raasamaaliga ah (capitalism) ee maanta aduunka aadka loogaga dhaqmo.
3-       Raad-ceynta xalka dhabta ah  ee adduunku kaga bixi karo  dhibta.
Cilmiga dhaqaalaha
Dhaqaaleyahanno badan ayaa isku dayey inay eray bixin u sameeyaan ama si kooban u tacriifiyaan dhaqaaluhu waxa uu yahay, waxaynu se ku kaaftoomeynaa macneynta dhaqaalaha uu siiyey ninka la yidhaahdo “Paul Samuelson” ee uu ku tilmaamay kitaabkiisa (Foundations of Economic Analysis), ninkan oo ahaa dhaqaaleyahan reer galbeed ah oo aad loo yaqaano, noolaana qaybtii hore ee qarnigii labaatanaad, waxa uu ku tilmaamay dhaqaaluhu inuu yahay “Daraasaynta dariiqada ay dadku u isticmaalaan ilaha xaddidan ee khayraadka ay haystaan, iyo sida ay u maamulaan isku fillaynsiinta khayraadkaas wakhtiga la joogo iyo mustaqbalka soo socda”.
Hadaynu tacriifkan u fiirsanno waxaynu arkaynaa in aragtida dhaqaalaha aan islaamiga ahayni ku salaysan tahay waxa la yidhaahdo “Scarcity” oo macnaheedu yahay ku fillaansho la’aan, taasoo ay ka dhalaynayso:
1-      In khayraadka aduunka yaallaa aanu banii’aadamka ku fillayn, sidaa awgeedna ay tahay in cilmiga dhaqaaluhu ka shaqeeyo laysku fillaysiiyo.
2-      In baahida dadku aanay xad lahayn, qof kastaana uu u ordayo inuu haqab-baxo (ka cokanaaado wax kasta).
Labadan qodob ee kor ku xusan waxaynu si gaar ah isu dul taagi doonnaa marka aynu ka hadlayno mabaadi’da uu dhaqaalaha islaamku ku salaysan yahay.
Dhinaca kale cilmiga dhaqaaluhu waa cilmi ka mid ah culuumta bulshada, waxaanu diraaseeyaa dabeecadda xidhiidhka ka dhexeeya dadka, hay’adaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee kala duwan, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha wax soo-saarka, isticmaalka iyo qaybsiga khayraadka.
Hababka dhaqaale ee adduunka
Qarnigii labaatanaad waxa adduunku u xidhnaa laba awoodood oo loollan adagi ka dhexeeyey, kaasoo lagu magacaabi jirey dagaalkii qaboobaa (cold war), labada quwadood oo ay kala metelayeen Mareykanka iyo midowgii soviet-ku waxa ay kala lahaayeen, hannaanno dhaqaale oo kala soocan, quwadii reer bariga ee uu ruushku hogaaminayey waxa ay ku dhaqmi jirtey waxa lagu magacaabo hanta-wadaag (socialism) kaasoo ku taagnaa qawaacid iyo tiirar ugu danbeyntii galaaftey, waxaanu nidaamkaas dhaqaale la dhacay goblankii nidaamkii ilaalinayey ee shuyuuciyadda.
Dhinaca kale awoodda reer galbeedka waxa uu dhaqaalahoodu ku socday habka loo yaqaanno hanti goosiga (capitalism).
Waxa isna jirey hannaan dhaqaale oo saddexaad kaasoo aad uga geddisan labada hore lehna tiirar adag oo uu ku qotomo iyo kaabayaal ma guuraan ah oo cilmiyeysan, waana hannaan ay dayaceen dadkiisii, intii lagu dhaqmayeyna aan lagu arag wax turunturrooyin ah oo ku yimid, halka labada hannaan ee kale ay ku qaan gaadheen kacaakuf ugu danbeyna u hoobteen haadaamo aanay ka soo waaqsan karin.
Hannaanka saddexaad waa hannaanka dhaqaale ee islaamka oo aynu qoraalkan u gaar yeellay, inteynaanse u gelin nuxurka mawduuceenna, bal aynu si kooban dul ka xaadis ugu sameyno labada hab dhaqaale ee kala ah hanti-goosiga ama raasamaaliga (capitalism) iyo hanta-wadaagga ama ishtiraakiga (socialism).
Hababka dhaqaale ee Ra’samaaliga iyo ishtiraakiga
Nidaamyadan dhaqaale waxay ku dhisan yihiin cilmiga lagu daraaseeyo xidhiidhka ka dhexeeya baahida banii’aadamka ee aan xadeysneyn iyo khayraadka xaddidan ee dhulka korkiisa yaalla, si loo haqab-tiro baahida iyadoo loo adeegsanayo khayraadkaas sida ugu haboon, laguna dadaalayo kobcintooda”, waxa ay ku kala duwan yihiin mabda’a lahaanshaha keliga ah iyo xorriyaddiisa, iyadoo nidaamka raasamaaliga ahi ku salaysan yahay suuq furan iyo xorriyadda lahaanshaha, dhinaca kale nidaamka hanti-wadaagu waxa uu u taagan yahay ilaalinta lahaanshaha wadareed, iyo haqab-tirka baahida guud.
Labada hab dhaqaale waxa ay ku dhisan yihiin oo kale mabaadi’ ama aragtiyooyin ay ka midaysan yihiin oo dhaqaale, halka ay jiraan aalado maaliyadeed (financial Instruments) iyo kaabayaal dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin.
Dhaqaalaha islaamka
Dhaqaalaha islaamka waxa aynu si kooban ugu macneyn karnaa inuu yahay “cilmiga nidaamiya xidhiidhka u dhexeeya qofka iyo maalka, hadday tahay hannaanka wax soo saarka dhaqaale, kobcinta iyo habka isticmaalka iyo bixintiisaba, si waafaqsan mabaadi’da iyo axkaamta shareecada islaamka”.
Islaamku waxa uu maalka iyo dhaqaalaha siiyey ahmiyad wayn, maalkana waxa uu soo qaaday inuu yahay laf dhabarta noloshu ku taagan tahay, sida ay tilmaamayso, aayadda 5aad ee suuratu nisaa, waxa kale oo uu maalku ka midyahay ujeeddooyinka lama huraanka ah ee ay shareecadu u soo degtay inay ilaaliso.
Haddaad u fiirsato kitaabka quraanka ah waxa aad si cad u arkaysaa in suuradaha quraanka intooda badani koobsadeen mabaadi’, xakameeyayaal, qodobbo iyo erayo maaliyadeed, laga bilaabo aayadaha ugu horeeya suuratul baqara ilaa laga soo gaadhayo suurat al masad.
Maalku waxa uu ka mid yahay walxaha wanaagsan ee Ilaahay loogu dhowaado kuwu ugu muhiimsan, wax soo saarka dhaqaale (production) iyo isticmaalka waxa la soo saarey (consumption) waxay ka mid yihiin su’aalaha afarta ah ee addoonka la waydiin doono maalinta qiyaame intaanu goobta laysku xisaabinayo ka dhaqaaqin.
Arimahaas iyo kuwo kale oo badani waxay si cad u muujinayaan ahmiyadda islaamku siiyey maalka, dhaqaalaha, wax soo saarka, bixinta iyo kobcinta maaliyadeed iyo dhaqaale intaba.
Dhaqaalaha islaamku waxa uu leeyahay mabaadi’ aasaasi ah oo uu ku qotomo, kuwaasoo isugu jira mabaadi’ sugan (fixed principles) oo aan is beddel aqbali karin iyo kuwa is beddel aqbali kara (flexible principles), lana jaan qaadaya habda wakhtiga iyo aminta la joogo.
Waxa kale oo uu dhaqaalaha islaamku leeyahay aalado maaliyadeed iyo kaabayaal dhaqaale oo waaweyn.
Dhaqaalaha islaamku waxa uu kaga geddisan yahay dhaqaalaha kale ee banii’aadamku dhigteen arrimo waaweyn oo sabab u ah burburka dhaqaalaha hantiwadaagga ah iyo kan hantigoosiga ah.
La soco qaybta labaad
Abdulqani Hussein Mohamed
PhD, (Candidate) Islamic Financial Engineering
cabdiqani2@hotmail.com
Bishaaro Bishaaro Bishaaro: Ramaadan Kariim Ramadaan Kariim
Ramadaan Kariim Ramadaan Kariim
Caawo waxa dhalatay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan waxana Maamulka iyo Shaqaalaha Allssc ay umadda Islaamka ah iyo tan SSC-ba ugu Bishaaraynayaa dhalashadda Bishan Barakaysan
Allssc waxa ay ku faraysaa in aad bishan Ramadan ka faa’iidaysatay khayr-keeda isla markaasna aad ka fogaatid wax yaalaha wax u dhimaya soonka iyo Cibaadda Bisha Barakaysan ee Ramadaan
Allssc waxa ay ugu baaqaysaa Muslimiinta wax haysta in ay dadka Masaakiinta ah ee ku dhibaataysan Soomaaliya ay u gurmadaan oo maalkooda wax ka siiyaan si khayr badan ay u helaan bishan dhexdeeda
allssc@hotmail.com
XADIISYO LAGA WERIYEY RASUULKII (SCW)
“Dunida waad ka guuraysaan, waxaadna u guuraysaan xagga daar weligeed jiraysa;
haddaba ka guura idinkoo wata camal khayr badan; waxaa naloo sheegay in dhagax
lagu tuuray salka jahannama uu sii socon doono toddobaatan sano isagoon weli salkeeda
gaadhin; wallaahay in la buuxin doono ma la yaabteen? Wallaahay waxaa na loo sheegay in jannada labadeeda albaab (irridood) loo socdo afartan sano, waxaana iman maalin ay cidhiidhi la buuxsanto”. Waxaa weriyey Imaam Axmed.
“Anigu kuma hadlo waxaan xaq ahayn”. Allaheenna wuxuu yidh: “Wixii rasuulku dadka faro waa inay qaataan, wuxuu ka reebana, waa inay ka reebanaadaan (ka hadhaan)”.
(Akhriso aayadda # 7 ee ku jirta suurat al-Xashr).
“Ruuxa Muslimka ah waa ka xaaraan Muslim kale xoolihiisa, sharaftiisa iyo dhiigiisa, waxaa shar ugu filan qof inuu xaqiro walaalkiisa Muslimka ah”.
Waxaa weriyey Abuu Daawuud iyo Tirmidi.
“Ma jiro dulmi iyo qaraabe gooys uga dhaw in Alle ciqaabta ifka uguso dadajiyo iyadoo tii aakhirona u dheertahay”. Waxaa weriyey Imaam Axmed bin Xanbal.
“Dulmiga iska jira waa mugdiga yawmal qiyaamaha, bakhaylnimadana iska jira iyadaa halaagtay kuwii idinka horeeyey”. Waxaa weriyey Muslim.
“ Xoolahayga” xoolahaaga waxa keliya aad ku leedahay waa waxaad cunto oo aad dhammaysato iyo waxaad xidhato (gashato) oo duug noqda iyo waxaad sadaqaysato oo hormarsato. Wixii intaas ka soo hadhay waad ka tegi oo u dhaafi dad kale”.
Waxaa weriyey Muslim iyo imaam Axmed.
“iimaanka waxaa ugu fiican inaad ogaato in Alle kula joogo si kasta aad ku sugantahay”.
“Mu’miniintu saddex bay wadaagaan: “Dabka, daaqa iyo biyaha”.
Waxaa weriyey Imaam Axmed iyo Abuu Daawuud.
“Ibna aadanku hadduu dhinto wuu go’aa camalkiisu saddex mooyee “cilmi lagu intifaaco,
Ilmo fiican oo u duceeya, iyo sadaq socota ama jaari ah”. Waxaa weriyey Muslim.
“Ruuxii akhrista suuraddaYaasiin habeenkii Alle dartiis waa loo dambi dhaafaa”. Wuxuu kale rasuulku (scw) yidhi “waxaan jeclaan lahaa inay ku jirto qalbiga ruux kasta oo ka tirsan ummadayda”. Waxaa weriyey Ibnu Xayaan.
“Dambiyada kabaairka ah ama dambiyada waa wayn waxaa ka mid : gaalnimo, qof muslim ah oo xaq darro lagu dilo, ka cararka jihadka, waalidka oo la caasiyo, qof haween ah oo dhawrsoon oo lagu sheeg saaniyad, barashada iyo ku hsaqaysiga sixirka ama falka, cunidda ribada, cunidda xoolaha agoonta si xaq darro ah, sinada, dhaarta beenta ah iyo marag furka beenta ah”.
“Waxaa idiinku khayr badan kiina cumrigiisau dheeraado, camalkiisuna ficnaado”.
“Faqrigu wuxuu u dhowyahay gaalnimo”.
“Geelu waa cisisi iyo sharaf, adhiguna waa barako”.
“Su’aashu waa cilmiga badhkiis”.
“Fadliga cilmigu wuu ka khayr badan yahay fadliga camalka”.
“Cilmiga waxaa ugu fadli badan kiisa daaimka ah haba yaraadee”.
Haweeynay madaw oo wax dhasha ayaa ka khayr badan qurux badan ma dhasho ah”.
“Haweenka waxaa ugu khayr badan tan wax dhasha ee dabeecadda wacan ee qalbiga
fiican ama qalbiga nugul).
Waxaa idiin soo ururiyey Maxamed Cali Daad (Fadlan u ducee in Alle dambigiisa dhaafo).
Maxamed Cali Daad
Allssc@hotmail.com
Siyaaadso Aqoontaada Oo Baro Umuuraha Diintaada Islaamka.
Abuu Dar, Alle haka raali ahaadee, oo ka mid ahaa asxaabtii Rasuulka, sallalaahu caleyhi wasalam (SCW) waxaa laga weriyey inuu yidhi waxaan u imid Rasuulkii (SCW) oo jooga masjidka markaasaan fadhiistay. Wuxuu iyu yidhi “Abuu Dar ma tukatay?” Waxaan idhi maya. Wuxuu yidhi “Istaaagoo tuko”. Waan istaagay oo tukaday kadibna waan fariistay. Markaasuu yidhi “Abuu Dar, ka magangal Alle sharka shayaadiinta insiga iyo jinniga”. Waxaan ku idhi “Rasuulkii Allaw insigu ma shayaadiin buu leeyahay?” Markaasuu yidhi “haa”. Waxaa weriyey imaam Axmed iyo ibnu Maajah.
Rasuulkii Alle (SCW) wuxuu yidhi “Hodantinimadu ma aha xoolo badni laakiin hodantinimadu waa hodantinimada nafta”. Waxaa weriyey Bukhari iyo Muslim.
Rasuulkii Alle (SCW) wuxuu yidhi “Maalinta Qiyaamaha dadku wuxuu isu taagi Rabbigii caalamka, dadkana dhididkoodaa xakamayn ilaa uu ka kaadho dhegahooda”.
Waxaa weriyey Imaam Axmed Bin Xamabal.
Waxaa kale Rasuulku (SCW) sheegay “Khayr ma leh diin aan salaad lahayn”.
Taasina waxay ku tusi inay salaada iyo islaamnimadu isku xidhan yihiin.
Rauulkii Alle (SCW) wuxuu yidhi “ Ruuxii badiya codsiga dambi dhaafka (waa adigoo dhaha astaqfurulaah), wuxuu Alle murugo walba uga yeelaa faraj, cidhiidhi walbana wuu
ka saaraa (ka bixiyaa), wuxuuna ka arsaaqaa meeluusan wax ka filanayn”.
Waxaa weriyey Imaam Axmed.
Wuxuu yidhi Rasuulkii Alle (SCW) “Waxaan idin faro, kala imaada waxaad kartaan, waxaan idnka reebana ka reebanaada”. Waa xadiis saxeex ah
Rasuulkii Alle (SCW) wuxuu yidhi “Ruuxii hadla maalinta jumcaha imaamkoo khudbadda akhriyaya wuxuu la midyahay dameer kutub xanbaarsan. Ruuxii ku dhaha aamusna jumce uma jiro”. Waxaa weriyey imaam Axmed.
(Waa in la aamusnaadaa oo aan la hadlin inta labada khubadood socdaan. Qofkii hadlana jumce uma jiro sidaa hala ogaado. Laba khudbadood waxay u taagan yihiin laba rakcadood intay socdaanna waxay la midtahay iyadoo salaad lagu jiro).
Rasuulkii Alle (SCW) wuxuu yidhi “Ruuxa soo jeeda oo tukada Laylatu Qadarka, rumayn iyo ajri doon darteed waa loo dhaafaa wixii dambi uu horay u falay”.
Waxaa weriyey Abuu Hurayrah. (Hala xusuusto bishaaradaa wayn waqtigeeda).
Rasuulkii Alle Muxammad (SCW) wuxuu yidhi “Yuhuudi waxay u kala baxday 71 firqadood, Nasaarana waxay u kla baxday 72 firqadood, ummadayduna waxay u kala bixi 73 firqadood, dhammaantoodna naartay gali mid mooye”. Markaasay asxaabtii dhaheen “Waa tee Rasuulkii Allaw?” Wuxuu yidhi “Waa ta ku socota sidaannu nahay aniga iyo asxaabtaydu”. (Ruux walba ha hubiyo inuu u dhaqmo sidii Nebigii iyo asxaabtiisii).
Maxamed Cali Daad
Allssc@hotmail.com
HOW TO BE A GOOD MUSLIM
HOW TO BE A GOOD MUSLIM
Allah commands the Muslims to be true believers, adopt good manners
and behave well at all times. The glorious Koran provides the Muslims with
laws and regulations to guide them to the right path of Islam.
In Surah 49 -al-Hujurat, Juz 26, verses 6, 9, 10, 11, 12 and 13, Allah lays down the following rules and guidelines for the believers so as to observe them at the time:
- If a person loose in morals brings news to you, verify (investigate it carefully) lest you
harm a people out of ignorance.
- Reconcile and make peace between the believers if they fight among themselves.
- Do not mock at a Muslim or deride or ridicule him/her.
- Do not defame one another through derogatory or sarcastic remarks.
- Do not call one another by offensive nicknames.
- Avoid suspicion because some suspicions are sin.
- Do not spy on one another.
- Do not backbite one another.
- All human beings are created from a male and a female, therefore no one is better or
Superior over others and the noblest among you is the one who is the most righteous.
- A true believer is one who believes in Allah and last prophet sent to all mankind.
Allah’s commandments in this surah exhort the Muslims to assume good manners and always observe Islamic etiquettes of moral behavior.. It is not enough for a Muslim to profess Islam orally. True faith is not a verbal statement only. One must practice Islam and apply Islamic teachings first on himself as well as his household members. Then and
only then can one be considered to be a true believer in the sight of Allah.
Prepared by Mohamed Ali Dad
mohameddad@hotmail.com.
AAN BARANO AADAABTA IYO AKHLAAQDA ISLAAMKA
Alle wuxuu mu’miniinta Quraanka kariimka ah ugu sheegay wax-walba oo khary iyo wanaag ugu jiro. Sidoo kale, wuxuu uga digay oo ka reebay wax-walba oo dhibato iyo wax-yeello ugu jirto. Islamarkaasna wuxuu Alle wax-kasta u dejiyey qaanuun iyo
sharci cad oo la raaco iyo xuduud aan la dhaafi Karin.
Banii aadanka dunida ku nool maanta kuma dhacaan inay jabiyaan qaanuunka iyo nidaam maamuleedyada ay dawladuhu samaysteen maxaayeelay ciddii sharciga dhawri wayda markiiba waxaa soo qabanaya ciidamada sharci fuliya. Laakiin baani aadanku sharci Alle u dejiyey badanaa kuma dhaqmaan mana fuliyaan.mana daneeyaan.
Wuxuu Alle ku sheegay aayah 6 ee ku jirta suurat Al-Xujuraat (juz 26)“Kuwa diinta Islaamka ee xaqa ah rumeeyow hadduu qof faasiq ah (faajir) war idiin keeno hubsada (xaqiijiya) maxaayeelay waxaa dhici kara inaad dad warmaqabto ah dhibaato u gaysataan kadiba qoomamaysaan (tiiraanyootaan).
Aayadda 9 wuxuu ku Alle ku sheegay “Hadday labo qolo oo mu’miniin ah diriraan, kala dhex-gala oo heshiisiiya, hadday midi ku xad-gudubto tan kale, lawada dagaalama tan soo xad-dhaaftay ilaa iyo inta ay uga hoggaansanaato amarka Alle, hadday
amarka Alle addeecdo, markaa si-xaq ah ugu garsoora”.
Aayadda 10 wuxuu Alle ku sheegay “mu’miniintu waa walaalo, sidaas awgeed,walaalihiin dhex-gala oo heshiisiiya”.
Aayadda 11 wuxuu Alle ku sheegay “Kuwiina mu’miniinta ahaw yaan rag rag kale yasin (ku jees-jeesin) waxaa dhici karta inayba ka khayr badanyihiin, haweenna haween kale yay yasin la arkee inayba ka khayr badanyihiine, hana ceebaynina naftiina (magaciinna ha xumaynina), hana isugu yeedhina naanays xun, waa wax xun inaad magac fusuqnimo isugu yeedhaan kadib markaad noqoteen kuwo xaqa rumaysan, ciddaan toobad keenin waa kuwo daalimiin ah”.
Ayadda 12 Wuxuu Alle ku yidhi “kuwa Alle rumeeyow iska dhowra wax badan oo ka mid ah malaha maxaayeelay malaha qaarkiis waa dambi, hana is-jaajuusina, hana is-xamanina miyuu midkiin jecelyahay inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah, waa hubaal inaad necebtihiin”.
Aayadda 13 wuxuu Alle dadka ugu sheegay “Dadow waxaan idinka abuuray lab iyo dheddig, waxaanna idinka dhigay shucuub iyo qabaail si aad isu aqoonsataan, ka idiinku sharafka badan Alle agtiisa waa ka idiinku Alle cabsi badan (taqi dhawrsan).
Waa kaa sharciga cad ee Alle dadka usoo dejiyey ee halagu dhaqmo.
Maxamed Cali Daad
mohameddad@hotmail.com
Sideen U Noqon Karaa Qof Kasbada Farxada Guurka?!!!
Waxaan maqaalkan inoogu diyaariyay suaalo badan oo la isoo waydiiyay  oo khuseeya arimaha qoyska ayaa waxaan insha allah isku dayayaa qof  walba oo inaga mid ah sidii uga heli lahaa xalinta arinta haysata  markaasna daaweenteeda ay gacantiisa noqon doonto insha allah iyo  dhibaatooyin badan oo haysta qoyska soomaaliyeed.
Waxyaabo kugu saacidi kara in aad hesho farxada rayn raynta iyo  daganaanshaha guurka iyo guri barwaaqo oo isfahan iyo ixtiraam iyo kala  dambayn ku salaysan.
1- Waxaad xasuusnataa inyar oo aad ka maqnaato xaaskaaga in ay  adkaynayso xiisaha dhexdiina laakiin maqnaanshaha badan in uu keeni karo  dhib aad u wayn.
2 – Waxaa weeyaan in aad si fiican u baratid dabeecadaha xaaskaaga ama  ninkaaga ilaa aad ka baranayso dabeecadihiisa oo kaamil ah si aad ugula  dhaqanto si wanaagsan barashada ma aha in aad ka cadhaysiiso si aad u  ogaato cadhadeda mana aha in aad ku kululaato si aad u ogaato waxyaabaha  ay ka cadhooto waa in si xikmadaysan aad u barataa dabeecadahaas.
3 – Ha qarqarin wax idiin dhaxeeya oo ha ka qarsan sirahaaga hadii ay  ogaato ama uu ogaado dhib aad u waynbaa ka dhalan karta ee ogoow taas.
4 – Iska ilaali in aad ka wada sheekaysataan waxyaaba hore oo tagay  tusaale ahaan ( gabadh kuu doonaynd ama aad kala tagteen gabadh ku  jeclayd sidoo kale nin ku jeclaa iyo nin aad kala tagteen iyo waxi tagay  oo dhan ) mashaacirta qofka ayay aad u dhawacaysaa arintaasi .!
5 – Ka fogoow in aad iska dhigto wax aad ahayn oo aad u matasho qofkaas  aad doonayso in aad farxad kula nolaato ula dhaqan una sheeg sida ay  xaladaadu tahay kula dhaqan dabeecadaada caadiga ah ee rabi kuu dhaliyay  hana isku dayin in aad mucjiso iska dhigto khatar ah bari waxaad noqon  waxaa tahay markaad xaqiiqadaada noqoto xaalku wuu murgi farxad iyo rayn  rayna ma jiri doonto.
6 – U cabir xaaskaaga ama ninkaaga jacaylka aad u haysa intu leegyahay  una sheeg markasta oo aad fursad u hesho hana ka caajisin.
7 – Ka ilaali naftaada is dhiibis iyo daciif nimo iyo xidh xidhnaan  noqo mar walba qof waji fur furan oo faraxsan oo marka la arko farxad  galiya qofka lamaanihiisa ah .
8 – Iska ilaali muranka badan iyo dooda joogtada ah .
9 – Mar walba isku day in aad maslaxada iyo wanaaga bilowdo oo aad iska  saarto diiqada iyo cadhada hana ka dhigin in ay sii joogto cadhadaasi  soona af jar oo xali mushkilada hala sugin bari iyo hadhow iyo hebel in  tay ayna faraha ka bixin xali oo dhamee arinta ha is odhan gabadha  muslimada ah ee somaliyeed ayaan intan ula jeedaa ha is odhan walaal  asaga ayaa nin ah miyuu bilaabo asagu maslaxada oo afka ha buurin  kiiskana ha iska sii waalin reerk! a daji o o bilow adigu maslaxaada iyo  raali galinta qof walboona daji kan kale una dhibri xiliga cadhadiisa.
10 – Iska ilaali dadka was waaska wada iyo shakiga iyo shubuhaadka waxna  ku qabso waxa waaqiciga ah ee jira ee aad indhahaaga ku aragto hana la  sheekaysan dadka malaha iyo isku dirka iyo balaayada ka shaqeeya ku  kalsonoow lamaanahaaga.
11 – Sii lamaanahaaga kalsooni buuxda naftiisa iyo taadaba kalsooni ku  abuur adiguna noqo mid ku kalsoon doon doon oo raadi raali ahaanshiha  lamaanahaaga.
12 – Ma anfacayso waxaan raadinayaa qof munaasab igu ah oo guurka igu  farxad galiya hadii aad adiguba ahayn qof munaasab noqon kara guurkana  farxad iyo guul ku wadi kara inta badan dadkeenu waxay raadiyaan qof  quruxbadan diin leh dadnimo leh aqoon leh garasho leh nasab leh oo  xariir ah qofku se asagu iskuma fiirsado oo qofka uu doonaayo in uu  munaasab u yahay ma eego asagu in loo fiicnaado uu helo midka ugu fican  wu jecelyahay se asagu kii la rabay ma aha cajiib iska ilaali taas.
13 – Nadaafada waxay ka mid tahay iimaanka daliilna waxay u tahay jacaylka,
14 – Ka tanaasul waxyaabo badan oo hanwaynidaadu a y rabto adigo ku  raadinaaya jacayl iyo farxad kuna badal in aad ku raaxaysato waxa uu  qofka aad jeceshahay jecelyahay .
15 – U roonoow oo ilaali lamaanahaaga sida aad naftaada u ilaaliso lana jecloow waxa aad naftaada la jeceshahay.
16 – Noqo mid wax bixiya oo waxna qaata waxaan ka wadaa noqo mid jecel  waxuu asagu naftiisa la jecelyahay in uu siiyo lamaanihiisa kuna caawiyo  wax walba oo uu heli karo oo farxad galinaysa, ha noqon bakhayl asagu  jecel wax walba in uu qaato waxna aan lala yeelan .
17 – Ninku waxuu doonayaa in ay xaaskiisu noqoto gabadha ugu  wanaagsan dumarka wax walba oo ay qabanayso ayna noqoto mida ugu jecel  dadka uguna dhibrinta iyo naxariista badan, dumarkuna sidoo kale waxay  doonayaan in uu ninkeedu noqdo nin ad adag oo la isku halayn karo  dhamaysna tiri kara wax walba oo ay u baahato waxay sidoo kale dumarku  jecelyihin inay ninkeeda u noqoto gabadhii ugu dambaysay noloshiisa .
18 – Ha kula dag dagin lamanahaaga musiibo kasta oo dhacda waxaad u sheegayso kala gur oo kala saaf inta aad u bandhigin.
19 – U noloow maalinta aad ku jirto hana isku dilin murugada bari waxaad samaynayso ka hor eeg awoodaada inta aad balan qaadin.
20 – Wax walba oo aad qabanayso ka fakar inbadan una fiirso ma fiicna  shalaynta iyo is ciil kaanbiga oo waxay lid ku tahay farxada iyo rayn  raynta .
21 – Waxaad ku fakartaa yay noqon jacaylka aad u qabto uun lamaanahaaga  ee ku fakar wax ka fog inkastoo ay muhiim aad ah tahay jacaylka nolosha  guurka.
22 – U noqo tusaale iyo ku dayasho wacan lamaanahaaga.
23 – Ha ku dag dagin wax aad adigu khalad u aragto waxaa laga yabaa in uu lamaanahaagu u arko sax uuna kaa sax sanyahay.
24 – Ha siinin fursad ehelkaaga iyo jaarkaaga in ay soo galaan arimaha  idiin dhaxeeya isku dayna in aad xaliso dhamaan mushkiladaha dhexdiina  yimaada intii aad karto ee awoodaada ah.
25 – Waxaa lagama maar maan ah in aad guurka gasho adigoo masuuliyad  qaadi kara oo qalbigaagu raali ku yahay naftaaduna ku dagantahay.
26 – Iska ilaali waxyaabaha ku keeni kara dhexdiina dhibaato iyo is maan dhaaf, iskana ilaali in aad dhibto lamaanahaaga .
La soco qaybta labaad