Menu

Warar Dheraad Ah Oo Kasoo Baxaya 14 Xubnood Oo Besha Maxamuud Saleban U Dirtay Muuse Biixi Inay Kala Hadlan Colada Tukaraq

Hargaysa(Allssc): Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulamo is daba jooga oo maalmihi ugu danbeeyay yeelanayeen 14 Xubnood oo kasoo jeeda Beesha Maxamuud Saleebaan kuwaas oo magalada Hargaysa u jooga in ay kala hadlaan Muuse Biixi Xalada Cakiran ee Magaalada Tukaraq.

Wararka ayaa sheegaya in 14 Xubnood oo u badan Beesha Ciise Maxamuud isuguna jira Siyaasiyiin, Cuqaal iyo Qurbajoog kuwaas oo ay soo xuleen Isimada Beeshaas ayna la ogaayeen Cabdiwali Gaas iyo Faroole.

Ragan ayaa la sheegay in Horjogaha Jabhada SNM ay kala hadleen qodobada ay ugu horayso in magalaada Tukaraq uusan ka dhicin wax Dagaal ah oo khal khal galiyay daganaanshaha magaalada Garoowe, sidoo kale waxaa ay Muuse Biixi ka codsadeen in Maleeshiyaadka Hoosgalada u ah Muuse ee kasoo jeeda Deganka Khaatumo uu gacan ku qabto, waxana ay balan qaadeen in Beesha Maxamuud Saleebaan iyo Maamulkoda ay balan qaadayaan in Hoosgalada la shaqeeya ay gacan ku qaban doonaan aysan samayn doonin wax weerar ah oo loo gaysto Jabhada SNM.

Marka laga tago  Colada Tukaraq waxaa Xubnahan Hargaysa ku sugan ay kala hadleen Horjogaha Jabhada SNM in  Jabhada Muuse Biixi ay qabsadaan magaalada Boocame wax weerar ahna aysan kaga iman doonin Garoowe, halka Xubnahan ay  cod sadeen in Garoowe oo iyagu u arkaan Caasimad ay ku fidiyaan dhinaca deganka Khaatumo waa dhanka Bixin iyo Hol Hol Muusana uu badalkeda helo Boocame iyo Tukaraq.

Wixii Kasoo Kordha Kulamadan Kala Soco Allssc Media

Allssc News Desk

Hargaysa Somalia