Menu

Dood Adag Oo Ka Taagan Maqaamka Caasimada Soomaaliya?

banadir (allssc.com)Xog hoose ayaa sheegeysa in hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ay madaxda DFS ku cadaadinayaan daadejinta maqaamka magaalada Muqdisho.Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in la dafiro maqaamka magaaladan oo ay ku nool yihiin in ka badan 4 milyan oo qof.Waxay u sheegeen madaxda dowladda inaan la xaqirin shacabka Muqdisho, loonacaddeeyo maqaamkooda si aysan niyad jab u dareemin.Maamullada ayaa sheegaya in dhankooda ay diyaar u yihiin iney gacan weyn ka geystaan wax walbo oo arrintaasi kaga aaddan.Hirshabelle oo lagu tiriyo iney isku dhow yihiin Muqdisho ayaa ah maamulka kaliya ee hadda ka jiifa arrimahan.