Menu

Deg Deg: Beesha Cumar Maxamuud Oo Weerar Kusoo Qaaday Gumburka Cagaare Caawa

Laascaanood(Allssc) warar nagasoo garaya Gumburka Cagaare ayaa sheegaya in ciidamo hubaysan oo kasoo jeeda Beesha Cumar Maxamuud ay weerar kusoo qaadeen reer guuraa kasoo jeeda deganka khaatumo.

    Weerarkan Maleeshiyada Cumar Maxamuud ayaa imanaya kadib Shir Nabadeedmaalmaha soo socda loogu balansanaa duleedka magaalada magacley.

Weerarkan Beesha Cumar maxamuud ay Galab dhiicii manta kusoo qaden xoola dhaqatada ayaa la sheegay in ay ku dhaceen geel tiro badan sidoo kalana dhawacyo u gaysteen dadkii watay gelaas.

Iskusoo wada duuboo dhacdadan waxaa ay burburin u tahay qodobo dhowaan Beesha Cumar maxamuud ku ogolatay in Deganka Khaatumo aysan abaar iyo barwaqo midna soo galin sidoo kalana col iyo nabad midna aysan ku iman mudo 5 sano ah.

Balse waxaa muuqata in Beesha Cumar Maxamuud oo garab ka helahsa Jabhadooda SSDF aysan wax waan waan nabadeed ah aysan ka ogolayn degankan wakhti Koonfurta Gaalkacyo loogasoo baxay Beelaha Habar-Gidir.

 

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Allssc News

 

Allssc News Desk

Laascaanood Khatumo State