Menu

Beesha Cumar Maxamuud Iyo Islan Bashiir Oo Nabadayntii Cariska Ku Dhinacwada Dhac Iyo Ciidan Urursi

Laascaanood(Allssc): Warar dheraad ah ayaa kasoo baxaya sababta dib u hakisay wadahadalo nabadeed oo maanta deganka Cariska uga furmi lahaa Beelo kasoo kala jeeda Sool Iyo Mudug.

Sababta ay wadahadaladan u burbureen ayaa la sheegayin weeraro ay soo qaadeen Beesha Islan Bashiir iyada oo Dhac iyo dhaawac malintii doraad ka gaysatay Degaanka khaatumo state.

Sidoo kale Beesha Islan Bashiir ee Waqooyiga Mudug ayaa la sheegay in ay ciidamo soo dhoobeen deganka Cariska oo hore looga mamnuucay ciidamo iyo dad hubaysan oo soo gala marka laga reebo Ciidanka Dowlada Federalka Ethiopia.

 

 

 

Allssc News Desk

Laascaanood Khaatumo State