Menu

WEFTII MADAXWEYNAHA HADA KU SUGAN GAROONKA DIYAARADHA GALKACYO

Wafdiga Madaxwayne Farmaajo ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo Abdulaahi Yuuusuf ,waxaana halkaas kusugnaa masuuliyiinta Puntland iyo madaxwaynaha Galmudug , Taliyaha ciidamada Xooga dalka,iyo dadwayne farabadan oo ku sugnaa garoonka diyaaraha Gaalkacyo.

Masuuliyiinta iyo shacabka Gaalkacyo ,ayaa madaxwaynaha Umadda Soomaaliyeed si wada jir ah usoo dhaweeyay ,halkaas oo saakay shacab badan ay ku sugnaayeen.

Madaxwaynaha ayaa soo dhaxmaridoona magaalada Gudaheeda ,oo shacab badan ay taagan yihiin hareeraha magaalada Gaalkacyo.

Waxaa lasoo koobi-karin shacuurta dadka iyo farxada ka muuqata wajiyadooda in ay markii ugu horaysay ay soo dhawaynayaan madaxwaynaha Umadda Soomaaliyeed Maxamed Abdulaahi Farmaajo.