Menu

Warar Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxay Wiil Uu Dhalay Mukhtar Roobow Oo La Dilay

Muqdisho(Allssc) Dagaalkaan ayaa bilowday xilli lagu jiray salaadda Khudbada Jimca ah,waxaana deegaanka weeraray Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Ciidamo Daacadda u ah Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Dagaalka oo muddo saacad ka badan socday ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Ciidamadii dagaalamay.

Gudoomiyaha Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu dhacay xiligii duhurkii islamarkaana lagu dilay wiil uu dhalay Muqtaar Roobow khasaaro kalana uu jiro.

Warar lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay Cabdullaahi Mukhtaar Rooboow oo ah wiil uu dhalay Shiikh Muqtaar Abuu Mansuur iyo Taliyihii Abuu Mansuur oo magaciisa lagusoo gaabiyay Manuur Ganeey.