Menu

MAAMULKA GALMUDUG OO WAR KA SOO SAARAY SAFARKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

Wararka naga soo gaarayo magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya in aad loo adkeeyay amaanka magaaladaasi,iyadoo lagu wado inuu gaaro madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa heegan buuxa la geliyay Ciidamada amaanka ee isugu jira Boolis iyo Nabad sugid,kuwaasi oo si aad ah ula socda dhaq dhaqaaq iyo xaalada amni ee magaalada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo hadda ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa iney uga sii ambabaxaan deegaano kale oo ka tirsan Galmudug.

Shacabka iyo maamulka Cadaado ayaa isku diyaariyay soo dhoweynta madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan magalaadaasi.

Wasiiro iyo Xildhibaano hordhac u ah Wafdiga madaxweynaha ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado,kuwaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.