Menu

Daawo:- Dowlada Somalia Iyo Turkeyga Oo Heshiis Taariikhi ah Kala Saxiixday (Daawo Maqal Muqal)

London(Allssc): Waxaa maanta Ilaahay mahaddii ah in uu noo soo gebagaboobay shirkii guddiga isku dhafka ah ee ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkey (Joint Economy Commission) oo labadii maalmood ee 11-12 January 2018 ka socday Ankara.


Wefdiga dalkeenna uga qayb galay shirkan waxaa hoggaaminayey Raysal wasaare xigaha H.E. Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana ka mid ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha H.E. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda H.E. Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi iyo Wasiir xigaha Araimaha Dibadda H.E. Mukhtaar Daud.
Wefida waxaa ka mid raxan khubaro/aqoonyahan ah oo ka kala socdey 13 wasaaradood oo qaabilsan horumarinta dhaqaalaha dalka.


Shirku maanta markii uu soo xidhmay waxaa labada dhinac kala saxeexdeen heshiisyo isugu jira iskaashiga dhaqaalaha, Kalluumaysiga iyo iswaydaarsiga dhaqanka.

 

 

Allssc News Desk

London UK