Menu

Beesha Habarjeclo Oo Bilaabay In Habeenkii Ay Isbaroyin Dhigtan Burco Ilaa Caynaba

Hargaysa(Allssc): Waxaa tan iyo intii Siilaanyo kursiga Hogaanka Jabhada SNM ku wareejiyay Muuse Biixi si xawli ah usoo badanayay isbarooyinka Beesha Siilaanyo dhigtan Habeenkii wadada isku xidha Burco ilaa Caynaba.

Isbaroyinkan oo la sheegaya in ay dhiganayaan qaar ka mida Maleeshiyada Jabhada SNM kuna abtirsada Besha Habarjeclo iyadoo ay dhinac socdaan Reer Guuraa u dhashay isla besha Siilaanyo oo iyagu Habeenkii Isbaraysta dadka iyo gadiidka u kala gooshaya Waqooyiga Somalia sida Laascaanood iyo Burco ama kusii jeeda magalada Hargaysa.

Iskusoo duuboo Beesha Siilaanyo oo loo filayay in ay mudadii Siilaanyo haystay Hoganka Jabhada SNM in ay lunsadeen Hanti tiro badan ayna xaraasheen Hantidii Qaranka Somaliyeed ee ma guurtada ahayd ayaa waxaa soo ifbaxaya in mudo kooban Beesha Siilaanyo ay Baahi Wadooyinka ugu soo bexen.

Allssc News Desk

Hargaysa Somalia