Menu

Jabhada SNM Oo Lacag Ka Qaadatay ajaanib Ku Shiish Barata Duurjogta Tirada Yar Ee Dalkeena Ku Hadhay (Daawo Muqalo Naxdin Leh)

Hargaysa(Allssc): Jabhada SNM ee Dhaqaalo ku dirirka ah ayaa ruqsad siisay kooxo Ajaanib ah kuwaas oo Waqooyiga Somalia u yimi in ay ku shiish bartaan Duurjogta tirada yar kusii hadhay dalkeena Hooyo.

Ajaanibtan ayaa ruqsad ay ku darab jaran duurjogta tirada yar kasoo qaatay Wasarad Jabhada SNM ay ku magacowdo Wasarada deegaanka iyo Duurjogta reer Miyiga taas oo ajanibtan ka qaadatay 25 Kun oo Dollarka maraykanka.

Ajanibtan ayaa si arxan daro ah u dilay Deeqo iyaga oo isku sawiray ilma yar oo ay dhashay deeradii ay dileen. Maaha oo kaliya ajaanibtan waxaa ajanibtan sida arxan darada ah ugu shiish baranaya duurjogta la socdaa qaar ka mida ilaalada Muuse Biixi iyo wasaradaas Jabhada SNM ugu magac dartay Duurjogta iyo Horumarinta Reer Guuraga.

 

 

Allssc News Desk

Hargaysa Somalia