Menu

Wararkii Ugu Danbeeyay Shir Beesha Majeerteen Iyo Maamulkoda Ka Yeesheen Xalada Tukaraq Maxaase Kasoo Baxay

Garoowe(Allssc): Warar hor dhaca oo aan ka helayno kulamo is daba jooga oo Beesha Majeerteen Isimadeeda iyo Maamulkeeda ka yeesheen xalada Tukaraq oo maalmihii ugu danbeyeay saxafada aad u buun buuninaysay in dagalo ka dhacayaan.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Beesha Majeerteen khasatan Beesha Maxamuud Saleebaan ay dhexdooda go’aan sadeen in wax dagaal ah aysan la galayn Beesha Isaaq oo wakhtigan ciidamo geeyay magalada Tukaraq.

Beesha Maxamuud saleebaan oo gudi ka kooban 8 u saartay in ay la hadlaan Hoosgalada Deganka Khaatumo ee ku sugan magaalada Garoowe iyo Kooxda Bahal Higlo si ay ugala hadlaan xalada ka tagan tukaraq.

Wararka ilo lagu kalsoon  yahay aan ka helayno ayaa sheegaya in Kooxda Bahal Higlo lagu amray in saxafada Beenta iyo Buunbuuninta Dagalo ka dhaca Tukaraq ay joojiyaan hadii ay dagalamayan inay la aadaan degankoda Khaatumo taas oo Beesha Majeerteen u arkaan in aysan samaynayn Kooxda Bahal Higlo iyo Hoosgalada Garoowe.

Cisman Qandala Allssc

Garoowe Somalia