Menu

Farmaajo Oo Qardho Ugu Tagaya Burhaan – Barshiir Oo Gaalkacyo Lagusii Mari Doono – Kooxdii Bahal Higlo Oo Halka Kabaha Lagu Bixiyo La Fadhisiyay (Daawo Bahal Higlo Oo Qanacsan)

Garoowe(Allssc): Kadib Markii MD Dowlada Federalka Somalia Mr Farmaajo uu gaadhay magaalada Garoowe ayaa waxaa halkaas isku urursaday Kooxda Bahal Higlo oo iyagu filayay in Farmaajo mar la fadhiisto wakhti uu hore ugu qaabili waayay magalaada Muqdisho oo in badan ay fadhiyeen.

Kooxda Bahal Higlo oo sheegta Duubabka ama Hogaanka Dhaqanka Deganka Khaatumo ayaa had iyo jeer ahaa kuwo aan ku qanacsanayn in ay jogan ku faanaan degaanka Balaadhan iyo dadka Sharafta badan ee Reer Khaatumo ee uu ku manaystay.

Kooxda Bahal Higlo oo wajiyadooda aan hore looga dheehan jirin Farxad iyo Qosol wakhtiga ay jogan degankoda balse la arkayay iyaga oo aad u faraxsan goob Islan Ciise ku casumay Farmaajo magalada Garoowe.

Kooxda Bahal Higlo oo quudaraynaysay in ay MD Farmaajo la kulmaan ayaa ku hungoobay iyaga oo ilaaway in Farmaajo qaabilayo ninkii ku kalsoon Deegaankiisa iyo Dadkisa balse Hoosgalada Cimaamadan aysan xaq u lahayn in lagu sharfo goobo ay marti ku yihiin.

MD Farmaajo ayaa la sheegay in uu kusii jeedo magaalada Qardho kulana kulmi doono Islanka Beesha Dagta Qardho ee Burhaan waxana la sheegay inuu usii gudbi doono Magaalada Gaalkacyo si uu ula kulmo Madax Dhaqameed uu ka mid yahay Islan Bashiir oo kasoo jeeda Beesha Cumar Maxamuud.

Bahal Higlo ayaa waagu ku baryay iyada oo Casumadii Islan Ciisaha Besha Ciise Maxamuud u fidiyay MD Farmaajo Kooxda Bahal Higlo la fadhiiyay halka la fadhiisiyo Caruurta soo qado doonata halka la fadhiisiyo.

Muhiimada ugu weyn ee Kooxda Bahal Higlo ka lahayd Farmaajo ayaa lagu sheegay in ay qarkod rabeen in ay u gudbiyaan eedaymo ka dhan ah Isla Bahal Higlo oo xildhibano ka dhacay, halka qaar ay wadeen Liisto magacyo ciidan ah oo ku sugan Buuhoodle si loogu daro ciidanka uu soo dhisi doono MD Farmaajo, Halka Qaar MD Farmaajo uu xoogaa Faro Laab ah siiyay kadib markii ay sheegteen Duruufo adag oo nololeed.

 

Kooxda Bahal Higlo Waa Kuwa Door Biday In Ay Nolol Hoose Oo Sharaf Daran Ku Nolaadaan. Baryo Iyo Beelo Kale La Jooga.

Halkan Hoose Ka Daawo Kuwa Degankoda Jooga Ee Qoloba Tidhi Degankayga Farmajow Iigu Imow . Burhan Iyo Bashiir Oo Diiday In Farmajo Kula Kulman Garoowe. Kuwa Bahal Higlo Ee Hadana Dadka Reer Khatumo Beenta U Sheegaya Ee dibin Daabyada Iyo Ceebeenta Ku Wada Miyaa Isu Dhigma.

 

 

 

Allssc News Desk

Garoowe Somalia