Menu

Wararkii Ugu Danbeeyay Wadahadalada Galmudug Iyo Ahlu Suna Oo Meel Adag Galay Kadib Markii Shurudo Adag La Is Hor Dhigay

London(Allssc):Wararkii ugu danbeeyay ee caawa naga soo gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti ayaa sheegaya in madaxda Ahlusunna shirka ku meteleysa ay soo bandhigeen ilaa Afar Qodob oo aysan Galmudug u sahlaneyn inay fuliso.

Qodobada ay soo bandhigeen mas’uuliinta Ahlusunna oo ay sharuud uga dhigeen la heshiinta Galmuudg ayaa ka danbeeyay kadib markii ay galabta iyagu shir gaara yeesheen.

Afarta qodob ee shuruuda ka dhigatay Ahlu sunna oo u mooqda in aysan fulindoodu u fududeyn Galmudug ayaa kala ah sidan .

1-in laga guuro magaca Galmudug maadaama aysan iyagu aqoonsaneyn isla markaana la sameeyo magac cusub oo laga tala geliyo.

2-in la badalo Calanka hadda Galmudug laguna bedelo mid cusub oo laga wada tasha doono hada kadib.

3-in xildhibaanadu ay noqdaan tiro isla ek taas oo wadarta guud ka dhigeysa 178 mudane.

4-in la doorto Ma’uul u dhigma R/wasaare oo soo dhisa dowlad isku dhaf ah hadiiba lagu heshiiyo waxana uu qaba doonaa mas’uulkaani shaqada madaxweynaha .

Afartaan qodob ee la sheegay in madaxda Ahlu sunna shirka Jabuuti uga qeyb galeysa ay soo bandhigeen suurta geli kara in waqti kale uu shirku qaado.

 

Allssc News Desk

London Uk