Menu

Maxay Ahaayene Qodobadii Hordhaca Ahaa Ee Laga Gaadhay Weerarkii Gumburka Cagaare Kusoo Qadeen Beesha Cabdiwali Gaas

London(Allssc):Qodobo 8 ah oo laga gadhay colaadii dhowan ay kusoo qaadeen Besha Cabdiwali Gaas magalada Gumburka Cagaare iyo Qoriley.

 

  1. Xabad Joojin In Si Buuxda Laba Dhinac Loo Wada Qaato.

  2.  Ciidamada In Laga Raro Goobihii Ay Isku Hor Fadhiyeen, laguna celiyo goobihii hore looga keenay sida xerada 54 iyo Airportka magalada Gaalkacyo.

  3. Cidii Talabo Qaada in Talaabo Sharciga Waafaqsan Laga Qaado.

  4. Cidii Xadkeeda Soo Dhaafta Hadii Wax Lagu Yeelo In Iyada “Cidii Xadkeda Soo Dhaaftay in Talaabo Laga Qaado”.

  5. Xoolaha Luma Ee Gala Dhinaca Kale Waa In Cida Leh La Xidhiidhaa Dowlada Ethiopia Si Xolahoda Loola Radiyo Dibna Loogusoo Celiyo.

  6. Cidii Xadkeeda Uga Gudubta Iyada Oo Gaado ah,ama Xoolo Raadis Ah Inta Aan Dib Loo Kulmin In Talaabo Adag Laga Qaado.

  7. In Madasha Laga Dhigi Lahaa Lagu Dhawaaqo Lana Isku Af Garto

  8. In Gudiga 21 Bahararsame Iyo 21 Gudiga Cumar Maxamuud Ay Si dacada Ugu Shaqeeyaan Dadkoda.

 

 

 

 

Allssc News Desk

London UK