Menu

Daawo:- Islan Bashir Oo Diiday Inuu Saxeexo Xabad Joojin Walina Wada Hub Urursi Iyo Dowlada Federalka Ethiopia Oo Ku Amartay Inuu 24 Saac Ku Saxeexo (Daawo Maqal Muqal + Xogo Dheeraad Ah)

Laascaanood(Allssc): Kulan u kuurgal ah oo ay goob joog ka ahaayeen Masuliyin ka socota Deganka Khaatumo , Masuliyin ka socota Dowlada Federalka Ethiopia iyo Kililka shanaad ayaa ka dhacay magaalada Gumburka oo Ciidamada Cabdiwali Gaas oo garab siinaya Marya calasta Besha Islan Bashiir ay Bililiqo iyo Gubis isugu raaciyeen magaalada Gumburka.

Kulanka oo ay ahayd in uu yimaado Islan bashiir iyo cuqashiisa ayaysan cag soo dhigin badalkedana ay wali ku hawlan yihiin hub urursi iyo hurinta colaad ay doonayaan in ay kula wareegaan degano ka mida Khaatumo State.

Dowlada Federalka Ethiopia ayaa ku amartay Islan BAshiir in mudo 24 Saacadood ah ku yimado deganka isaga oo si shuruud la’aana h u saxeexo Xabad jojin uu ka keeno maleeshiyada uu kasoo ururiyay deganadiisa ee ku sugan deganka Khaatumo State.

 

 

 

Halkan Hoose Ka Daawo Sawiro Magalada Gumburka Oo Ay Gubeen Ciidamada Cabdiwali Gaas Iyo Maryo Calasta Islan Bashiir.

 

 

 

 

Allssc News Desk

Laascaanood Khaatumo State