Menu

Beesha Cabdiwali Gaas Oo Weerar Daan Daansi Ah Ku Qaatay Besha Leelkase Kadib Markii Ay Ku Dhawaaqeen Inay Ka Bexen Mamulka Besha Maxamuud Saleebaan

Gaalkacyo(Allssc):Inta la xaqiijiyay 2qof ayaa ku dhimatay 3kalana waa dhaawac kadib iska hor imaad mudo kooban socday oo galinkii danbe ee maanta ka dhacay galbeedka gaalkacyo gaar ahaan dhismaha maxjarkii Galbeedka Gaalkacyo oo ay dagan yihiin ciidamo beeleed kasoo jeeda Beesha Leelkase.

Isku dhacaan ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Beesha Cabdiwali Gaas ku qaadeen  Maxjarka oo ay ku sugnayen Ciiamada besha Leelkase halkaas oo dagaalku ka bilaabmay.

Dadka dhintay iyo ku dhaawaca ah ayaa ah labada dhinac ee iska hor imaadku dhex maray.

Ciidamada Besha Cabdiwali Gaas ayaa waxaa hogaaminayay Siciid Dheere kaas oo dib uga baxay markii uu khasaare kala kulmay goobtaas oo kolkii hore ay doonayeen in ay gacan ku ahynta Maxjarka ay kala wareegaan Beesha Leelkase.

Allssc News Desk

Garsoor Gaalkacyo