Menu

Daawo:- Xildhibanadii Mooshinka Ka Keenay Shariif Sakiin Oo Goor dhoweyd Saxafada La Hadlay ( Sakiin Oo Xaaladu Ku Xuntahay)

Muqdisho(Allssc):Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa isugu yimid Magaalada Baydhabo waxaana dood dheer ay ka yeesheen mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Shariif Xasan.

Mudane Cibaadi Cabdi Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa u sheegtay Warbaahinta in marnaba aysan ka laaban doonin mooshinka looga soo horjeedo Madaxweyne Shariif Xasan.

Waxaa sidoo kale ay beenisay in hadalka u jeediyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku aadan in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ay gadaal ka riixayaan mooshinka looga soo horjeedo.

Hadalka Xildhibaan Cibaadi Cabdi Cali ayaa waxuu imaanayaa xili ay la aaminsan yahay in Madaxweyne Shariif Xasan uu dayacay mas’uuliyadii ka saarneyd Maamulka Koonfur Galbeed.

 

 

 

Allssc News Desk

Muqdisho Somalia