Menu

Daawo:- Magaalada Luuq Ee Gobolka Gado Oo Lagu Qabtay Rag Watay Waxyabaha Qarxana Kana Tirsanayen Kooxda Alshabaab (Daawo Sawiro)

Muqdisho(Allssc):Ciidamada Ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa degmada Luuq ee gobolka Gedo ku qabtay waxyaabo qarxa iyo rag la sheegay iney wateen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada degmada Luuq ayaa Warbaahinta u soo bandhigay raggan oo laba Nin ahaa iyo waxyaabaha qarxa oo ay wateen kuwaasoo u badnaa bambooyinka gacanta laga tuuro iyo telefano yar yar oo loo adeegsado qaraxyada miinooyinka.

“Howlgal ay ka sameeyeen gudaha degmada Luuq ayay ciidamada Jubbaland ku soo qabteen raggan ka dib xog ay ka heleen Shacabka degmada” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Luuq oo saxaafada la hadlay.

Saraakiisha amaanka Jubbaland ee degmada Luuq ayaa sheegay in labada nin ee lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa ay horgeyn doonaan maxkamad ka dib marka uu u dhamaado baaritaano ay ku hayaan.

Allssc News Desk

Muqdisho Somalia