Menu

Daawo:- Dowlada Somalia Iyo Qatar Oo Kala Saxiixday Heshiis Horumarineed Oo Gadhaya 200 Oo Milyan

Muqdisho(Allssc):Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Heshiis Horumarineed oo ku kacaya labo boqol oo malyan oo dollar.

Heshiiska labada Dowladood kala saxiixdeen ayaa ah kuwa lagu fulinayo mashaariic horumarineed oo laga fulinayo Soomaaliya, waxaana mashaariicdaasi maal galineysa Dowlada Qadar.

Dowlada Soomaaliya ayaa si weyn uga mahad celisay Dowlada Qadar Mashaariicda Horumarineed ee Soomaaliya ka fulineyso, waxa ayna Dowlada balan qaaday in Mashaariicdan looga faa’iiden doono Bulshada Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa kusoo aadaa kadib markii maanta Muqdisho soo gaareen  wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo ah Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta.

Allssc News Desk

Muqdisho Somalia