Menu

Daawo:- Abuu Mansoor Roobow Oo Dhiig U Shubay Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Arxan Darada Ahaa Ee Isgoska Zoobe Lala Beegsaday (Daawo Maqal Muqal)

Muqdisho(Allssc):Sheekh Muqaar Roobow Cali Abuu Mansuur Afhayeenkii hore ee Kooxda Al Shabaab ayaa dhiigiisa ugu deeqay dadka dhiiga u baahan ee ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Isgooska Zoobe.

Abuu Mabsuur oo dhawaan isku soo dhiibay Dowlada Soomaaliya kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa kamid noqday dadka dhiigooda ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ee Khasaaraha badan geestay.

Afhayeenkii hore ee Kooxda Al Shabaab ayaa dhawaan isku soo dhiibay dowlada Soomaaliya, waxa uuna kasoo goostay kooxda Al Shababa uu horey uga tirsanaa , isagoona dhawaan kula dagaalamay gobolka Bakool.

Masuuliyiin iyo Shacab badan ayaa dhiigooda ugu deqay dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii xooganaa ee ka dhacay Isgooska Zoobe kaa oo galaaftay nolosha dad ka badan 300-qof sidoo kale ku dhaawacmeen boqolaal qof oo kale.

 

 

 

 

 

 

 

Allssc News Desk

Muqdisho Somalia