Menu

Cabdiraxman Ciro Oo Loogu Cudud Sheegtay Hargaysa Kadib Markii Habeenkii Caawa Gurigisa Lagu Weeraray

Hargaysa(Allssc): Guriga uu Hargaysa ka daganyahay cabdiraxman Ciro ayaa habeenka caawa ahaa mid aan laga ladin kadib markii kooxo la hayb ah Muuse Biixi ay weerar toos ah ku qaadeen.

Guriga Cabdiraxman Ciro oo ku yaala Xaafada Pepsiga ayaa la sheegay in ay weerareen Tobanaan Dhalinyaro ah oo jiha kasta oo lagasoo galo guriga Cabdiraxman Ciro xidhay kuwaas oo  gudaha ugu tuuray Dhalooyin lagasoo buuxiyay Gaas lana qabadsiiyay dab. Guriga Ciro oo ku sigtay in gabi ahaanba gubto ayaa ugu danbayntii kooxihii soo weerary gobta isaga tageen.

Wararka ayaa sheegaya in gudaha hargaysa uu jiro Abaabul aan xoogweynayn oo ay wadaan Beesha Cabdraxman Ciro kuwaas oo doonaya inay weeraraan guriga Muuse Biixi.

 

Allssc News Desk

Hargaysa Somalia