Menu

Daawo:- Xildhiban Ka Tirsan Dowlada Uganda Oo Lagu Ganaaxay Inuu Meel Shaaric Ah Ku Kaajay (Daawo Maqal Muqal)

Nairobi(Allssc):Abraham Abiriga oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlada Uganda ayay maxkamad ku ganaaxday inuu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya $10 ka dib markii la sheegay inuu ku kaadiyay meel fagaare ah.

Sida uu ku warramay wargeyska New Vision Sawiro laga qaaday xildhibaanka oo kaadiyaya ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada Uganda.

Mar ay saxaafaddu wax ka weydiisay arrintaasi ayuu xildhibaanku ku jawaabay ”ma waxaad rabteen inaan kaadida isku celiyo”.

Waxaa xildhibaanka lagu ganaaxay $10 ka dib markii uu qirtay inuu dambigaasi galay 25-kii September meel u dhaw xarunta wasaaradda Maaliyadda wadankaas magaalada Kampala.

xukunkan Waxaa loo cuskaday xeerarka dowladda hoose ee Kampala oo dhigaya in qofkii magaalada gudheeda xaajadiisa ku gutaa lagu ganaaxi doono 40,00 shilinka Uganda ah oo u dhiganta $10 dollar iyadoo haddii uu bixin waayana uu muteysanayo xarig laba bilood ah.

 

 

 

 

 

 

Allssc News Desk

Nairobi Kenya