Menu

Daawo Madaxweyne K/xigeenka Galmudug Oo Ka Horyimi Madaxweynihiisa Kadib Taageeradii Xulafada Sacuudiga

Muqdisho(Allssc):Madaxweynaha ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Cali Gacal Casir ka soo horjeesteen go’aankii xalay ka soo baxay Madaxweynaha maamulkaas ee lagu taageerayay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee xiriirka u jaray Qatar.

Qoraal ay si wadajir u soo saareen Mas’uuliyiintan ayay ku sheegeen in aan lagala tashan warqadii ka soo baxday Madaxtooyada Galmudug ee uu ku saxiixnaa Madaxweyne Xaaf, iyagoo xusay in Galmudug ay ku mowqif tahay dowladda Dhexe, ayna taageerayaan go’aankii dhexdhexaadnimada ahaa ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka.

Masuuliyiinta Galmudug ayaa isku khilaafsan taageerida Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxayna u muuqataa in arintan ay muran cusub iyo xiisad siyaasadeed sii abuureyso.

Qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Cali Gacal Casir ayaa u qornaa sidatan.