Menu

Daawo:- Qaraxyo Is Xig Xiga Oo Ay Ku Dhinteen In Ka Badan 60 Ruux Oo Ka Dhacay Magaalada Nasiriya (Daawo Maqal Muqal)

London(Allssc):Dad kor u dhaafaya lixdan ruux ayaa ku dhimatay labo qarax oo ka dhacay magaalada Nasiriya oo ku taalla Koonfurta Ciraaq, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

Wararka ayaa sheegaya in qof uu qarax gaystay ka dibna rag hubeysan ay rasaas ku fureen gudaha makhaayad ku taalla magaalada Nasiriya, iyadoo wax yar ka dibna gaari lagu qarxiyay jidgooyo aan goobtii hore ka fogayn.

Dad Shiico ah oo xajinayay oo ay ka mid yihiin kuwo ka yimid Iiraan ayaa ku dhintay weerarkaas oo masuuliyadiisa ay sheegatay Kooxda Daacish.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa la sheegay iney iska soo dhigeen maleshiyada Shiicada ah ee Hashd al-Shaabi oo ciidammada Ciraaq ka garab dagaalanta marka la weerarayo kooxda Dawladda Islaamka isku magacawda.

 

 




Allssc News Desk

London UK