Menu

Baadhitaan Lagu Wado Nin Sheegay In Uu Qabo Gabadh Iskasoo Dabaq Ku Yaal Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Allssc): Gabar Dhalinaro ah ayaa maanta iska soo tuurtay Hotel Dabaq Sadex Biyaano ah ah oo kuyaala Xaafada Baar Ubax ee magaalada Muqdisho sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Sida aan Wararka ku helnay gabadhan ayaa degneed mudo sadex Cisho ah Hotelka ay iska soo tuurtay, waxaana halkaasi kula noolaa nin dhalinyaro ah oo ay sheegay in gabadhaasi is qabeen.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in gabadhan ay iska soo tuurtay hotelka ay dagneed oo ahaa Dabaq Sadex Biyaano ah, waxaana gabadha soo gaaray dhaawac culus oo jabniin qoorta ah iyo dhaawacyo kale oo dhinaca madaxa ah.

Ciidamo booliis ah oo tagay hotelka Gabadhan iska soo tuurtay ayaa la sheegay in ay xireen ninka gabadha Hotelkaasi wada dagnaayeen, waxa ayna ciidamada baaritaan ku sameenayaan sababta keentay in gabadhaasi dabaq iska soo tuurto.

‘’Gabadha mudo 3 Habeen ah ayay Hotelka la daganeed nin dhalinyar ah waxayna ka timid Ceelasha Biyaha isagana waxa uu dagan yahay degmada Hiliwaa waxa uuna sheegay in uu qabo waxaana hada ninka uu ku xeran yahay Saldhigga degmada Howl-wadaag oo ah halka uu falka ka dhacay”Ayuu yiri Goob jooge la hadlay Idaacada Kulmiye

Wali lama oga waxa gabadhan Dhalinyarada ah ku kalifay in nolosheeda halis galiso dabaqna iska soo tuurto, waxaana gabadhan loola cararay isbitaal kuyaala magaalada Muqdisho si nolosheeda loo bad baadiyo.

Allssc NEws Desk

Muqdisho Somalia