Menu

Nin Dhalinyaro Ah Oo Isu Dal Dalay Qolkuu U Diyaarsaday Inuu Ku Aroosto – Gabadhii Uu Aroosan Lahaa Oo Didiay ALaabta Uu U Dhigay

Hargaysa(Allssc): Nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ibraahim Daauud( Riyaale )oo kamid ahaa shaqaalaha shirkada Bare Construction Xafiiska Berbera ayaa sida la sheegay habeenkii xalay ahaa Isku deldelay gurigiisa oo kuyaala Xaafada xudhuunka ee Berbera.

Marxuumka ayaa dhalinayato ay saaxiib ahaayeen usheegeen Saxaafada inuu Isu diyaarinaayay Aroos oo guriga uu isku deldelay uu hada uu kiraystay dhigayna Alaabtii gurig ee uu ku aroosan lahaa iyada oo haweenayda uu qabay ee uu aroosan lahaana joogtay magaalada Hargeysa .

 Warar  hoose oo la helayo ayaa waxa ay sheegayaan inuu uu Marxuum Maxamed Ibraahim Daauud( Riyaale) uu isu deldelay xaalad cakirantay oo ka dhex dhalatay isaga iyo xaaskiisa uu arooska udiyaarinaayay oo diiday alaabta uu usoo iibiyay iyo waliba inay Berbera ku aroos galaan isaga oo gurigiina kiraystay alaabtiina dhigay shaqsiyaad kamida asxaabtiisa oo aanu la xidhiidhnay  ayaa sidaas noo sheegay iyaga oo xaalada wax ka ogaa hase yeeshe aan filayn inuu nafta iska goyn doono marxuumka saaxiibkooda ah ee is deldelay iyaga oo xusay inaanay jirin xaalad kaloo loo nisbayn karo isdeldelaada uu nafta iskaga jaray marxuumku.

Allssc News Desk

Hargaysa Somali