Menu

Daawo:- Safiirka Somaliya U Fadhiyi Doona Dalka Turkey Oo Xafiiska Safarada La Wareegay (Daawo Sawiro)

London(Allssc): Madaxwayne dalka Turkiga Erdogan ayaa maanta Waraaqaha Safiirnimo ka Gudoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u Fadhin doona dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Caydiid, Isagoona Xafiiska si rasmi ah ula wareegay.

Masuuliyiinta Safaradda oo ay  kamid yihiin Xasan Axmad Calı Xoghaya Safaarada  iyo Qunsulka Safaarada Salebaan Kaarashe ayaa  sheegay inay wadashaqayn wacan la yeelan doonaan Safiirka, si loogu adeego Danta dadka iyo dalka.

Jaamac Cabdullahi Caydiid ayaa dhowaan wuxuu kulan Balaadhan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi, Wuxuuna sheegay inuu wax badan ka qaban doono Xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeyay Labada Dawladood, Sidoo kalana ay Safaraadu garab u noqon doonto una adeegi doonto Shacabka Soomaaliyeed.

Dalka Turkiga ayaa kamid ah Dalalka Taageera Soomaaliya, Sidoo kalana waxaa wax ka barta Arday badan oo Soomaaliyeed.

 

Allssc News Desk

London UK