Menu

War Saxaafadeed Kasoo Baxay Dalada Guud Ee Khaatumo Diaspora Organizion

London(Allssc):

WAR-SAXAAFADEED KA SOO BAXAY DALADA GUUD EE

KHAATUMO DIASPORA ORGANISATION (KDO) AGOOSTO 3, 2017

::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::

 Ku: Baarlamaanka Khaatumo

Ku: Maamulka Khaatumo

Ku: Bulshada reer Khaatumo

Taariikhda: Agoosto 3, 2017

Kadib markii shir wadajir ah ay isugu yimaadeen Golaha Fulinta iyo Hogaanka Sare ee Khaatumo Diaspora Organization (KDO) Agoosto 2, 2017, waxaa go’aan lagu qaatay in si mug weyn leh loo taageero, looguna bogaadiyo go’aankii ka soo baxay kalfadhigii Baarlamaanka Maamulka Khaatumo ku yeesheen magaalada Buuhoodle 08/02/2017. Ayna kalsoonidii kagala noqdeen Madaxweyne Ku-Xigeenkii hore ee maamulka Khaatumo mudane Cabdalle Maxamed Cali Haybe (Cagalulle).

Golaha Board ka iyo Fulinta ee Khaatumo Diaspora Organisation (KDO) waxay halkan idiinku soo gudbinayaan war- saxaafadeedkan:

1- Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay soo dhaweynayaan go’aankii codka aqlabiyada lahaa ee uu Baarlamaanka Khaatumo kalsoonidii kagala laabtay madaxweyne Ku-Xigeenkii hore ee Maamulka Khaatumo mudane Cabdalle Maxamed Cali Haybe (Cagalule).

2- Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora(KDO) waxay taageero iyo bogaadin mug weyn u dirayaan Baarlamaanka Maamulka Khaatumo oo qaaday talaabo geesinimo leh oo ay ku gudanayaan waajibaadkii iyo masuuliyadii saarnayd. Waxaanu kaloo baarlamaanka ka codsanaynaa inuu talaabo ka qaado xubnaha ka tirsan golaha sharci dejinta kuwaas oo ku dhaqaaqay talaabo khalkhal gelisay bulshada reer Khaatumo, waxaanu kaloo ku boorinaynaa golaha sharci dejintu inay sida ugu dhaqsaha badan u soo doortaan Madaxweyne Ku-Xigeenkii buuxin lahaa booska.

3- Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay Madaxweyne Ku- Xigeenkii hore mudane Cabdalle Haybe (Cagalule) uga mahadcelinayaan sida wanaagsan ee uu u soo gutay masuuliyadii uu u hayey maamulka Khaatumo, haddana waxaanu ugu baaqeynaa inuu si sharaf leh u ixtiraamo go’aanka baarlamaanka, isla markaana uu taageero xukumada.

4- Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay Maamulka Khaatumo ugu baaqayaan inuu si taxadar iyo digtoonaan leh u soo bandhigo war-saxaafadeedka ka soo baxa xukumada, si looga hortago war-xumatashiilka, wiiqitaanka wadajirka bulshada reer Khaatumo, iyo guulaha cadowga.

5- Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay bulshada reer Khaatumo ugu baaqayaan inay iimaansadaan oo taageeraan maamulkooda. Maamulka Khaatumo waxaa dhistay reer Khaatumo, waxaa iska leh reer Khaatumo, waxaana manaafacaadsanaya reer Khaatumo.

6- Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora(KDO) waxay ugu baaqayaan dhammaan mucaaradka Khaatumo ee ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn inay ka shaqeeyaan siday isugu soo dhoweyn lahaayeen bulshada reer Khaatumo, kana fogaadaan xaalad abuurka, buunbuuninta beenta iyo kala fogeynta shacabka gobolada SSC, waxaanu si gooniya ugu digeynaa boggaga wararka lagu daabaco kuwaas oo caadeystey inay ka shaqeeyaan burburinta maamulkooda.

7- Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora(KDO) waxay soo dhaweynayaan cid kasta oo reer Khaatumo ah taas oo aaminsan qadiyada, una taagan inay taageerto maamulka Khaatumo.

Hogaanka Sare ee Khaatumo Diaspora Organisation (KDO).

Wabillaahi Tawfiiq

Waxaa war-murtiyeedkan si wadajir ah u saxeexay Golaha Fulinta iyo Golaha Gudida Sare ee Khaatumo Diaspora Organization (KDO):

Gudidda Fulinta KDO

1- Eng Mohamed Jebril

2- Amiir Ahmed Jama Gabalaax

3- Abdirisaq Tallman.

Gudidda Sare ee KDO (Board)

1- Mohamed Bulaale

2- Abdikadir Aidid

3- Mohamed Jebril

4- Rashid Hambuuse

5- Farah Jibaar

6- Ubah Olol

7- Kinzi abdi

8- Abdi Issa

9- Abdiqani Dabayl

Allssc News Desk

London UK