Menu

Gaas oo Ka Baqaya in Sucuudigu Xajka u Diido Ama ay Ku Xirtaan oo Maanta Sheegtey Inuu La Jiro Iyaga

Garoowe (Allssc.com).

Hogaamiyha maamul beeleedka Puntlan ayaa saaka si lama filaana wareegto uu kasoo saaray guriguu ka degenyahay magaalada Garoowe. Wareegatadan ayuu ku sheegey inuu hada uu ugaadey uin dani ugu jirto inuu raaco xulufada cunaqabateynta saartey shacabka dalka Qadar ee uu hogaaminayso reer aala sucuudka xukuma wadankay u bixiyeen magaca awoowgood.

Wararka ayaa sheegaya inuu isla maanta u dhoofay wadanka sucuudiga si uu usoo xajiyo, waana sababta ku kalaftay inuu sucuudiga taageero si aysan ugu diidin inuu xajka soo guto. amaba ay xirtaan haday rabaan sidii ay yeeleen oo kale madax katirsaayd wadanka liibiya qeybta diidan gumeysiga sucuudiga iyo imaaraadka.

Gaas ayaa si cad uga horyimi siyaasada dawlada Madaxweyne Farmaajo ee ku dhisan is xaq dhowrka iyo dhexdhexaadnimada iyo talada wadankiisa gacan ku haysigiisa.

Waxaa hore u ayidey maamulka beesha Isaaq ee S Land, iyagoo imaaradka ka qaatey lacag 3 malyan oo doolar ah.

Hoos ka akhriso bayaanka maamul beeledka Puntlan:

 

Cismaan Qandala.

Garoowe, Somaliya.

Allssc.com