Menu

Daawo:- Guriga Madaxweyne K/xigeenka Dalka Kenya William Ruto Oo Gurigisa Rag Hubaysan Weerar Ku Galeen Iyo Rasas Culus Oo Ka Socota (Daawo Maqal Muqal)

Nairobi(Allssc):Koox Hubeysan ayaa goordhow galay Guriga Madxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto,waxaana ay gudaha u galeen dhismaha guriga halkaas oo uu hadda dagaal ka socdo.

Ragga hubeysan ayaa toogtay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka GSU ee Kenya kaas oo ilaalo ka ahaa albaabka,waxaana ay gudaha Guriga ka wadaan dagaal iyada oo ay Rasaas xoog hel dhaceyso.

Ciidamada Kenya ee gaarka ah ayaa ku biiray howlgalka waxaana ay hadda rasaasta ka socotaa gudaha dhismaha Guriga Ruto ee degaanka Sugoi.

Lama oga Cidda ay yihiin qolada weerartay Guriga Madaxweyne ku xigeenka Kenya,waxaana wali socda howlgalka u dhaxeeya kooxda weerartay gurigaas iyo Ciidanka gaarka ah ee Kenya.

 

Allssc News Desk

Nairobi Kenya