Menu

Dabagooye Iyo Saleban Buraale Oo Ku Hirdamaya Kursi Garoowe Ay Siisay Wiilka Uu Dhalay Saleban Buraale

Muqdisho(Allssc): Kooxdii Bahalhiglo oo xalad adag ka dhextagan tahay magaalada Muqdisho. Kooxdan oo u wada socday Duminta Mamulka Khaatumo ayaa waxaa ay si shakhsiyana hoosta u kala wateen ujeedooyin kala duwan.

Cabdulahi Dabagooye ayaa magalaada Muqdisho ahmiyada ugu weyn uu u yimi ayaa ahayd in uu dood gauysto maxkamada Sare iyo xafiska Ra’isal wAsaraha isaga oo ka andaconaya in Xubin Barlaman Beeshiisa laga dhacay.

Sidoo kale Saleebaan Buraale ayaa Muqdisho u tagay sidi kursiga Wiilkiisa loo siiyay la shaqaybta C/wali GAas sidii uu u dhacsan lahaa isaga oo og in Cabdulahi dabagooye uu dooda Maxkamada ku furi doono Wiilkisa si uu kursigaas ugu qabsado.

Waxaa Maanta Xafiska Maxkamada sare kasoo baxay in dib loogu laabto 8 Kursi oo ka mida 11 Kursi oo muran badan ka taganyahay. 8 kursi ayaa waxaa ka mida xubinta ay ku hirdamayaan Cabdulahi dabagoye iyo Saleebaan Buraale oo wiilkisa uu C/wali Gaas u siiyay burburinta ioyo dulaynta shacabka Khaatumo.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Allssc Media

Allssc News Desk

Muqdisho Somalia