Menu

Daawo:- Muuqaladii Ugu Danbeeyay Weerarkii Pizza House Oo ay Ku Naf Waayeen 25 Ruux (Daawo Maqal Muqal)

Muqdisho(Allssc):Xaalada ayaa haatan caadi ku soo laabatay ka dib markii ciidammada Ammaanka ay soo Afjareen Howlgalkii ka dhanka ahaa Argagixisada weerarka ku soo qaaday Shacabka magaalada Muqdisho.

Ciidammada Ammaanka ayaa ku guuleystay inay dad badan ka soo Badbaadiyaan Maqaayada Pizza Hose oo Maleeshiyada Argagixisada ah ay weerareen.
Meydadka illaa lix gabdhood ah oo afar ka mid ah ay wada dhasheen la sheegay in saddex ka mid ah ay dhinteen, halka mid kale oo dhaawac ah laga soo saaray qol ay ku jireen oo dableyda hubeysan ay bam ku tuureen xilli ay ku dhuumaaleysanayeen.

Sidoo kale meydka nin Suuriyaan ah oo ka shaqeynayay maqaayadda ayaa isna lagu arkay qeybta Kushiinka ee maqaayadda.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay inay dileen shan ka mid ah dableydii hubeysneyd ee weerarka ku qaaday maqaayadda.

Waxaa kaloo ku dhintay saddex ka mid ah ciidamada ammaanka ee ka qeyb qaadanayay howl galka ka socday maqaayada.

Tirada dadka dhintay maqaayada ayaa gaareysa illaa 25 ruux oo ay ku jiraan dableydii weerartay, sida uu xaqiijiyay wariye ka tirsan Idaacadaha Muqdisho.

Ilo dhinaca ammaanka ayaa xaqiijinaya in dableydii weerartay ay qaldeen bartilmaameedka weerarkooda oo markii hore ahaa Maqaayadda Posh Treats oo ah maqaayad lagu caweeyo, hase ahaatee markii uu qaraxa dhacay ayaa waxay gudaha u galeen maqaayad ka soo horjeeday oo lagu magacaabo Pizza House oo ah meel ay dhalinyarada u dalxiis tagaan, isla markaana la isku sawiro goobo aad u qurux badan oo ay leedahay maqaayadda.

Qaraxa is miidaaminta ee lala beegsaday labada maqaayadood ee iska soo horjeeday ayaa isku mid waxaa uu u soo gaaray khasaare aad u xooggan, waxaana dhismayaasha labada maqaayadood ka muuqday bur bur aad u xooggan.

 

 

 

Allssc News Desk

Muqdisho Somalia