Menu

Dil Qorshaysan Oo Loo Gaystay Nin ka Mid Ahaa Dadka sida Weyn Looga Yaqan Magaalada Baladweyn

Muqdisho(Allssc):Magaalada Beled-weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa caawa dil qorsheysan loogu geystay nin caan ah oo ka tirsanaa ururada bulshada rayidka kaasoo ay fuliyeen kooxo bastoolado ku hubeysan.

Dilkan ka dhacay magaalada B/weyne ayaa ka dib markii rag hubeysan ay xaafada Howlwadaag ee magaaladaas ku toogteen nin magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cismaan Muumin.

Dableyda dilka geysatay ayaa baxsatay, iyadoo marxuumka la sheegay inuu madax ka ahaa NGO maxali ah oo howlo dayactir ah ka waday xarun dowladeed oo ku taalla B/weyne.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ee magaalada B/weyne ayaa gaaray goobta dilkan uu ka dhacay iyagoo sameeyey howlgalo aan cidina lagu soo xirin, mana jiro wax war ah oo ay ka soo saareen.

Allssc News Desk

Muqdisho Somalia