Menu

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Prof Galaydh Oo Habeenkii Labaad Ku Sugan Casimada Dalka Addis Ababa (Warbixin)

Nairobi(Allssc):Madaxweynaha Mamulka Khaatumo State Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa habeenkii labaad u hoyday magaalada Addis Ababa ee Casimada Dalka Ethiopia. Madaxweynaha ayaa ka ambabaxay magaaladan Nairobi ee dalka Kenya oo ay shirar ku dhow asbuux ku lahaayeen Hay’ado calami ah iyo Safaradaha Maraykanka iyo Europe.

Madaxweynaha oo kulan la qatay Jaliyada Dalka Kenya ayaa warbixin uu siiyay ku sheegay in shirarkii ay la qateen Dowladaha Daneeya Somalia ay kusoo dhamatay jawi aad u wanaagsan.

Madaxweyne Galaydh ayaa ku hakaday Addis Ababa isaga oo halkaas la filayo in uu kulamo kula yeesho MAdaxda Dalka Ethiopia ka hor inta uusan usoo amba bixin deganka Khaatumo malmaha fodoa inagusoo haya.

Allssc News Desk

Naidobi Kenya