Menu

Maalinta Qashinka Ee 18-ka May oo Laga Xusey Degaanada Maamulka Khaatumo.

Laasacaanood (Allssc.com).

Waxaa maanta oo ku beegan maalinta Qashinka ee gobolada SSC ee maamulka Khaatumo State laga xusey degaano badan oo ka mida goboladaas sida qeybo ka mida magaalada Lasacaanood, iyo magaalooyinka Buuhoodle, Taleex, Kalabeydh, Xudun, Boocame iyo Widhwidh.

Xuskii ugu balaadhnaa ee dhamaan laysugu soo baxay ayaa ka qabsomey magaalada caasimada u ah gobolka Ceyn ee Buuhoodle. Waxaana horkacayey golaha degaanka caasimada iyo gudoomiyahooda mudane C/ fataax Cawil Cali .

Qashin gurkan ayaa ka socondoona maanta oo idil degaanada maamulka Khaatumo.

Dhinaca kale goobaha ay degaan qabiilka Isaaqu iyo dhulal qabiilo la deris la ah ooy xoog ku heystaan ayey waxey ka wadeen wax ay ugu yeedheen maalinta xornimada beesha Isaaq iyo maamulkeeda Isaaqiya.

Shacabka kale ee gobolada waqooyi kula nool beesha Isaaq ayaa iyagu diidan gefka iyo dulmiga uu wado qabiilkan hidaha iyo dhaqanka u leh soo kaashiga gaalada iyo ku dhibaateynta dadka deriska la ah ee soomaaliyeed, iyagoo xiligan kaashanaya wadamada reer yurub ee gumaysigu caadadooda tahay xaga dhaqaalaha iyo dawlada xabashida oo ay ka dhaadhiciyaan in mabda’a beesha isaaq loogu talo galey in lagu daciifiyo shacabka soomaaliyeed iyo dhulkoodaba, si ay itoobiya u gaadho danaha ay ka leedahay dalka iyo dadka soomaaliyeed.

 

Aamina Weris.

Hargeysa, Somaliya.

Alssc.com.