Menu

DEGDEG: Ciidamada Beesha Hawiye ee Muqdisho oo La Wareegey Wasaarada Gaashaandhiga

Muqdisho (Allssc.com).

Wararka hada naga soo gaadhaya waxey sheegayaan in ciidamada beesha hawiye ee sita magaca ”ciidanka qaranka somaliyeed” ee xaruntoodu tahay muqdisho ay gebi ahaanba la wareegeen xaruntii wasaarada gaashaandhiga iyo dhamaan wadooyinkii soo gelayey, waxeyna wataan tikniko aad u farabadan ,

Waxaa ilaa bishii hore ka socdey kacdoono iyo shirar ay wadeen beelaha habargidir iyo abgaal oo isku boorinayey sidii shacabkoodu uga hor imaan lahaa madaxweynaha aan beeshooda hiraab ahayn ee sida kediska een la fileyn ku yimi taas oo ay aqbali waayeen una cuntami weydey,

Labadan beelood ayaa heysta ama ah boqolkiiba sagaashan waxa lagu sheegayo dawlada ee xamar ka dhisan hadey tahay shaqaalaheeda iyo ciidamadeedaba sidaana kula wareega dhamaan waxa hub iyo maalba loogu deeqo shacabka soomaaliyeed laguna soo qaado magaca soomaaliyeed.

Maxamed Cali.

Muqdisho, Somaliya.

Allssc.com.