Menu

Daawo :- Shirkada Cabitanada Pepsi Oo Fadeexadii Ugu Xumayd Kala Kulantay Xayaysiin Ay Hawada Galisay (Daawo Maqal Muqal)

London(Allssc):Shirked caanka ah ee cabitaanada sameyso ee Pepsi ayaa fadeexad ka raacday xayeysiin ay sameysay gabadha ay walaalaha yihiin xiddigta Kim Kardashian oo lagu magacaabo Kendall Jenner, taasoo xayeysiiska ay sameysay u sameysay Pepsi kor ugu qaadaysay taageero ay bulshada kaga hesho.

Xayeysiiskaan oo maalin kaliya hawada ku jiray ayaa waxaa shirkadda ay kala kulantay dhaleeceyn iyo iyo in lagu eedeeyo in shirkadda ay dano ganacsi dadka madowga ah sumcadooda ugu faa’iideysatay.

Xayeysiiskaan oo loo matalay dibadbaxayaal dadka madowga ah ay ka dhigeen dalka Mareykanka sanooyin ka hor, Xidigta Kendall Jenner ayaa arkayso dibad baxayaal madow iyo dad kale oo qowmiyado kala duwan u dhashay oo dhigaya dibadbax, boolisna hor taagan yahay, waxayna ku dhex dhexaadineysaa xabad Pepsi ah.

Allssc News Desk

London UK