Menu

Daawo Madaxweyne DKG Somalia Shariif Sheikh Axmed Oo Bartisa Facebook Ku Beeneeyay Inuu Ka qayb Ahaa Shir Beeleed Loogasoo Horjeda MD Farmaajo Oo Muqdisho Ka Dhacay

London(Allssc): Madaxweynihii hore ee KMG Somalia Shriif Sheikh Axmed ayaa beeniyay Warar saxafadu qoraysay oo sheegaya in Mr Shariif ka mid ahaa kooxo shir ku qabtay Muqdisho kas oo logasoo hor jeeday MD cusub ee Somalia Mr Farmaajo.

Halkan Hoose Ka Akhriso

OGEYSIIS:- Anigoo ah Shariif Sheikh Axmed ahna madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya waxaan shacbiga Soomaaliyeed la socodsiinayaa in aanan wax war ah ka heyn shirka la sheegay in uu ka dhacay magaalada Muqdisho isla markaana lagu aheegay in looga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya.

Ma jirto koox ama reer magaceyga u isticmaali karta anigoo maqan iyo aniga oo jooga go’aanno shaqsiyaad ay gaareen wax wakaalad ahna aan iga heysan.

Ugu dambeyntii waxaan bulshadeyda u xaqiijinayaa inaan si buuxda oo shuruud la’aan ah u taageersanahay dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna waajib nagu tahay inaan taageerno oo gacmaha aan is qabsanno si dalkeena aan u badbaadinno.

Mahadsanidiin

https://www.facebook.com/Sharif-Sheikh-Ahmed-Official-Pagge-743781722349132/

Allssc News Desk

London UK