Menu

Daawo:- Ra’isal Wasaaraha Dalka UK Oo Ku Dhawaaqday Doorasho Dag Dag June 8 2017 (Daawo Maqal Muqal)

London(Allssc):Raysulwasaaraha dalka UK Theresa May ayaa maanta ku dhawaaqday in doorasho deg deg ah ay ka dhacdo dalka si loo helo xasilooni siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Theresa May waxay sheegtay in doorashadu dhici doonto 08/06/2017 waa hadii baarlamaanku maalinta beri ah ansixiyo.Go’aankan ayaa ansax ku noqon karo hadii sadax meeloodoow laba meel xildhibaanada baarlamaanka ansixiyaan qorshaha Theresa May.Doorashada guud ayaa lagu waday inay dhacdo sanadka 2020.

 

Allssc News Desk

London UK