Menu

Daawo:- Wafdigii Maamulka Khaatumo State Oo Si Weyn Loogusoo Dhoweeyay Magaalada Buuhoodle Ee Gobolka Cayn (Daawo)

Buuhoodle(Allssc):Waxaa magaalada buuhoodle caasimada gobolka cayn gaadhay wefti balaadhan oo u hogaaminaayo gudoomiyaha barlamaanka dawlada khaatumo Maxamuud Shiikh Cumar. Wufuuda gaadhay buuhoodle oo ahayd weftigii wadahadalka khaatumo ee ka qeyb galay shirkii wadahadalka khaatumo iyo snm.

 

Masuuliyiinka khaatumo buuhoodle gaadhay ayaa soodhaweyn balaadhan kala kulmay shacabka gobolka cayn waxaana la filaya in ay warbaahinta kala hadlan shacabka khaatumo maalmaha soo aadan.

 

Dhinaca kale madaxweyna khaatumo Dr cali khaliif galaydh  ayaa isagu shirar albaabadu u xidhan yihin widhwidh kula leh odayaasha gobolka sool iyo odayaasha gobolka cayn waxaana la filaya shirarka kadib in madaxweynuhu ku guryo noqdo buuhoodle halkana kaga qeyb galo shirar xukumada uga furmaya buuhoodle.