Menu

Daawo:- Haweenaydii Magaalada Cadaado Ku Gawracday Gabadha 7 Jirka Ah Oo Dil Qisaasa Lagu Xukumay (Daawo Maqal Muqal)

Muqdisho(Allssc):Maxkamadda sare ee Maamulka Galmudug ayaa xukun dil ah ku riday haweeneydii dhowaan Magaaladda Cadaado ku gowracday Gabar yar oo 7 sano jir ah.

Garsooraha Sare ee Maxkamadda Galmudug Sheekh Maxamed Guulleed Keynaan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Xukunka dilka ah ee lagu riday haweeneydan.

Sheekh Maxamed Guulleed ayaa sheegay in haweeneydan ay iyadu qiratay inay dilkan si bareer ah u geysatay, sidaas daraadeedna lagu riday Xukun Qisaas dila ah.

 

 

Allssc News Desk

Muqdisho Somalia