Menu

Lacagta U Niyooda Somaliland Oo Gabi Ahaanba Laga Didiay Qaadashadeeda Magalaa Hargaysa

Hargaysa(Allssc):Qaar ka mid ah Meherada ganacsi ee kuyaala Suuqyada Waa weyn ee Magaaladda Hargeysa ayaa sheegaya inay gabi ahaanba maalmihii u dambeeya iska joojiyeen inay wax ku iibiyaan ama ay isticmaalaan Lacagta SUniyooda SNM kadib hoos u dhicii ugu weynaa oo ku dhacay,Waxa sidoo kale sii cuslaanaysa Xaalada Nololeed ee ay ku sugan guud ahaan Shacabka Hargaysa iyo Burco Miyi Iyo Magaalaba.

Mid ka mid ah Ganacsatada Suuqa Waaheen ee Magaaladda Hargeysa oo lagu magacaabo Muxumed Cabdi Godaad oo Saxafada la hadlay  ayaa Waxa uu hadalkiisa ku bibaalay sidan “Walaal Xaalad adag ayaan kujirnaa,Anagu waxaanu wax ku soo iibsanaa Dollar,markaa haddaanu dollarkii Nuurigiisaba waynu Waxba nagama soconayaa sidaa darteed waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu lacagta Shilinka Land isticmaalkeeda yarayno,oo aanu Doolar wax ku gadno,waayo,Sariflayaasha hadaad u tagto kama helaysid Dollar,Kaash uunbaa hor tuban,markaa halkeeno Dollar ka keenaa,Waxa sidoo kale Jira Suuqyo gaar ah oo kuwa Qaadka u badan oo Dollarka lagu kala iibsado,kuwaasi oo iyagu ka Masuul ah Dollar Qaaliyawga,Runtii Xaaladu waxay maraysa Meel Xun waxaana maalinba maalinta ka dambaysa hoos u sii dhacaysa Lacagteenii,Oo Sii Baytamaalaysa,markaa waxaan soo jeedin lahaa in Gurmad deg deg ah loo galo Sidii lacagteena dib loogu soo noolayn lahaa,waayo haddii ay sidan ku sii socoto Maalin dhaw suuqyada waxba lagaaga iibin maayo”.

Allssc News Desk

Hargaysa Somalia