Menu

Daawo Culumada Somaliyeed Oo Baaq Kasoo Saartay Koox Takfiir Ah Oo LA Magac Baxday Al-Saaddicuun

Muqdisho(Allssc):Culumada Soomaaliyeed oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayey kaga hadleen Kooxda la magac baxday Al-Saaddicuun Bil Xaq oo dhawaan looga dhawaaqay Wadamo ay Soomaaliya ku jirto.

Bayaanka kasoo baxay Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in kooxda Al-Saaddicuun Bil Xaq ay yihiin kuwa Takfiir ah oo dadka gaaleesiiya, waxa ayna tilmaameen in kooxdan lagu aas aasay Xabsiyada dalka Masar .

Culimada ayaa dadka Soomaaliyeed uga digtay in ay ku kadsoomaan fikrada qaldan ee kooxdan dhawaan magaca badalatay, waxa ayna sheegeen in kooxdan yihiin kuwa dadka gaaleesiiya oo aaminsan in iyaga kaliya muslim yihiin.

 

 

 

 

 

Allssc News Desk

Muqdisho Somalia