Daawo:- Sababaha Faratoon Ugu Yeedhay Kooxdii Hiiglada Iyo Cadowtoosiye Oo Hargaysa Uga Baaqay (Daawo Maqal Muqal)

Hargaysa(Allssc): Waxaa Magaalada Hargaysa ka ka Baaqay Cadowtoosiye oo hore u ahaan jiray Hogaamiyihii Hogaankii SSC ee isu dhiibay Jabhada SNM.

Cadow Toosiye iyo Hoosgalada kale oo wakhtigan dareemay in Hogooda biyo ugu galeen ayaa waxaa uu ka hadlay wadahadalada Maamulka Khaatumo Iyo Jabhada SNM.

Cadowtoosiye oo aan diidi karin wadahadalada ka bilaabmay Addis Ababa ayaa sheegay in aan isaga iyo Hoosgalada kalew axba lagala socodsiin sidoo kalana Ergadii Jabhada SNM uga qayb gashay Wadahadalada in aysan isaga wax war bixin ah aysan siin.

Warar hoose oo ALLSSC Media helayso ayaa sheegaya in Hoosgalo Jabhada SNM iyo kuwa Garoowe ay bilaabeen is Gaashaan Buuraysi ayna u yeedheen Isimada Iibka ah ee Higlada.

U Jeedada Hoosgalada is gashan buuraysana oo ah ka mid yihiin Faratoon iyo Cadowtoosiye iyo qaar kale oo badan kuwaas oo ka murugaysan in aan Deegaanka Khaatumo State waxba laga weydiinayn sidoo kalana aan waxba laga waydiinayn Siyaasada Jabahda SNM, waxana ay quudaraynayaan in si dadban ay uga hor yimaadaan wadahadalda Khaatumo iyo Jabhada SNM.

 

 

 

Halkan Ka Daawo Cadowtoosiye Oo Sheegay In Wali Ragii wadahadalada SNM Uga Qayb Galay Aysan U Waramin

 

 

 

Allssc News Desk

Hargaysa Somalia

Like!
0
  • Like!
    0

Comments:

Comments are closed.