Daawo:- Tahriibayaal Iyo Mukhalasiin Somaliyeed Oo Talyaaniga Isku Fara Saaray Kadib Markii Tahriibayaasha Ay Sheegeen In Libiya Mukhalisiinta Ay Ku Dhibaateeyeen (Daawo sawiro)

London(Allssc): Soomaali isa soo aruursatay ayaa waxa ay soo ogaadeen in uu dalka Talyaaniga soo gaaray Muqalas caan ka ahaa gudaha dalka Liibiya kaas oo dhibaatooyin kala duwan u soo geeystay waliba in mudo ah ku silcin jiray Saxaraha iyo dalka Liibiya .

Muqalaskaan oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil waxa uu ka tirsanaa kooxda loo yaqaan Magafe ee dadka Tahriibisa waana Soomaali inta badan loo soo adeegsan jiray Soomaalida kale . Dhalinyaro badan oo Ninkaan soo weerartay ayaa waxa ay sheegeen in uu ku soo silciyay gudaha dalka Liibiya ayna Maxkamad la kori doonaan .

Ninkaan Muqalaska ah oo maalin cad lagu dhex garaacay magaalada Milaano ayaa waxaa kiiskiisa la wareegay ciidamada Booliiska dalka Talyaaniga kuwaas oo baaritaano hor dhac ah ku hayo , waxeeyna horay u sii kaxeeysteen dhalinyaro fara badan oo Wiilal iyo Gabdho iskugu jira si ay Maxkamada uga hor cadeeyaan dambiga loo heesto Ismaaciil Magafe .




Like!
0
  • Like!
    0

Comments:

Comments are closed.