Daawo: Madaxwayne Xasan Sheekh iyo RW. CUMAR Oo Lagu Amray Inay Xilka Wareejiyaan, Kana Baxaan Villa Soomaaliya

Muqdisho (Allssc). Kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah Musharaxiinta Soomaaliyeed ee u diyaarka ah iney ka qeyb galaan doorashada la filayo iney sanadkaan ka dhacdo Soomaaliya ayaa kulankooda waxa ay kaga hadleen Xaalada siyaasadeed ee Dalka.

Waxa ay kulankooda ka soo saareen go’aano la Xiriira waqtiga ka dhamaaday Madaxweynaha Soomaaliya iyo sida uu qabo in sharciga la waafajiyo.

Waxa ay sheegeen in sharci ahaan marka uu Madaxweynaha waqtiga ka dhamaado in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya lagu Wareejiyo awooda Madaxweyne ee Dalka.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in Dastuurka dalka uu qabo in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu si KMG ah xilka Madaxweynenimo ee dalka inuu hayo inta ay ka dhaceyso doorshada.

Musharax Maxamed Cali Ameeriko ayaa warbaahinta u aqriyay go’aanka iyo War Murtiyeedka ka soo baxay Kulankooda oo ahaa Safiirkii Hore ee Somalia u fadhiyey dalka Kenya, Musharax Maxamed Cali Ameeriko ayaa Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha ugu baaqay inay Xilka Wareejiyaan oo Wakhtigu uga egyahay maalinta Berito ah 10-ka Bisha, Islamarkaana Xilka loo dhiibo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raysal Wasaare ku Xigeenka, iyagoo u cuskanaya dastuurka dalka u degsan..

Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C.wali Sheekh ayaa ku baaqay inuu Madaxwaynuhu kasoo baxay Villa Soomaliya, Wuxuuna sheegay inaan la gayn doonin halka ay joogaan meel ka xun.

HOOS KA DAAWO

Like!
2
  • Like!
    2

Comments:

Comments are closed.