Daawo Ciidanka Khaatumo Oo Xalay Howlgal Balaadhan Ka Fuliyey Degaanka Hol Hol Kuna Qabtay Babuur Sidey Agabkii Diwaangalinta Maamulka SNM Deegaanka Hol-Hol, Ee Gobolka Sool

Wasiir dawlada amniga khaatumo faysal falaalug ayaa markii ugu horeesay ka hadlay ciidamo ka amar qaata oo habeenimadii xalay la wareegay gawaadhi Laankaruusaro waday agabka diiwangalinta.

Wasiirka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigen agabkaasi oo isugu jira computer camerado iyo faylashii dadka lagu diiwaangalinaayay.

Intaasi waxaa uu raacshay wasiirku in ay hayaan gaadhi  Laankaruusaro ah oo waajib kiisu yahay in ayla wareegaan ciidamada khaatumo qoryana saartaan, Dhinaca kale waxaa usheegay in ay is dhiiben dadkii waday gaadhiga  iyo agabka islamarkaana si nabad galyo ah ay gacanta ciidamada khaatumo ugu jiran.

Waxaa xusid mudan in ay xaqiijiyeen komishinka doorashooyinka somaliland Laba gaadhi oo ah laankaruusaro waxay sideen sanduuqii magaalada holhol ee diwaangalinta waxaana lagu kaxaystay agabkii saarnaa.

HOOS KA DAAWO

Like!
0
  • Like!
    0

Comments:

Comments are closed.