Beesha Habar-Jeclo Oo Isku Kalabixisay Beesha Habar-Yoonis Iyo Dhimashada Oo Maraysa Sadex Ruux (Warbixin Culus).

Ceerigaabo(Allssc):  Saddex qof ayaa geeryoodey ilaa hadda inta la ogyahay iska hor-imaad gelinkii hore ee manta God-heeli oo ah degaanka Gowsaweyne ku dhexmaray  Beelaha Habar-Jeclo iyo Habar-Yoonis.
Wararka ilaa hadda degaankaas naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in iska hor-imaadkani ka bilawday kadib markii Beesha Habar-Jeclo si Kibira u toogatay NinIsagu kaso jeeda Beesha Habar-Yoonis kaddibna labada dhinacba isu hub urursadeen halkaasna dagaalkani ku dhex maray.

“Saddex nin ayaannu ilaa hadda dhimashadooda ognahay waana Nin Reer Iidle ah iyo Labo Sacad Yoonis ah dhaawacuna labada dhinacba waa jiraa gurmadkana labada beeloodba waa ku socdaa”.

Sidaas waxa yidhi Siciid Meecaad oo kamid ah bulshada ku dhaqan Tuulada Gowsaweyne. Isagoo ka hadlaya sababta iska hor-imaadkani ka dhashayna wuxu yidhi

“Marka hore ninka Xoolo Waraabsanaya  ayay dileen kaddibna halkaas ayaa arrintu ka bilaabantay ”

Dhinaca kale Siilaanyo oo beeshiisu weerarka ku jirto ayaa Ciidamo u diray Deegaankaas waxanase lagaranayn cida ay ka garabsiin doonaan Dagaalka deegaankaas ka bilowday. Dagaalkan ka bilwoday Gawsaweyne aya aisagu la sheegayaa inuu salka ku hayo Dhul balaadhsi ay ku taamayso Beesha Habar-Jeclo.

http://allssc.com/beesha-habar-jeclo-waala-i-ciilay-qaybtii-1kowaad/

 

http://allssc.com/beesha-habar-jeclo-waala-i-ciilay/

Wixii Kasoo Kordha Kalasoco Warbaahinta Allssc

 

Allssc News Desk

Allssc@allssc.com

Like!
0
  • Like!
    0

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>