Siilaanyo Kama Qayb Galayno Shirka London Shuqula Kuma Lihin (Dhagayso SNM Oo Jahwareer Ku Dhacay Booqashadii Turkey Ka Dib)
Hargaysa(Allssc): Kadib markii uu Safar uu ku Tagay Siilaanyo iyo qaar kale oo ka tirsan Jabhadiida Dalka Turkiga ayaa waxaa ay la soo laabteen Jawi Murugo leh kaas oo laga dheehanayay Muuqooda waxa ay ahaayeen kuwo Caga Jiid ah. Siilaanyo oo Airport ka kula hadlay Wariyayaal ayaa sheegay in aysan Arag Ra’isal wasaaraha Dalka Turkiga oo uu ku sheegay inuu Xanuunsaday “Waa Sida uu Hadalka u dhigaye”. Siilaanyo ayaa sidoo kale sheegay in Jabahda SNM aan lagu casumin Shirka London aysana ka qayb galayn.
Halkan Hoose Ka Dhagayso
Halkan Ka Dhagayso
Amina Waris Allssc Hargaysa Somalia
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=55948













SNM waa Gorayo gabbal u dhacay,illeen gebi la cuskadaana. Ha ka qayb gelina geedi socodku idiin hakkan maayo. Macal weynta weli ku sugan Hargeysa,Burco iyo Berbera baa si aan deydaygu u bililiqaysan maaweelo uga dhigaya shirku nama khuseeyo.
Siilaanyo iyo macal weynta ku deyran ciidama ay ku soo qaldeen degaanka Khaatumo waxay go’aansadeen inaysan ku rarrin amar kooda,balse ay halkooda ku shuf beelaan oo ay noqdaan qaar Khaatumo u degta ka jarto,qaar si qarsoon dib ugu wagaashiya reerihii laga soo qaffaalay,qaar Boosaaso ka tariiba,qaar xeryaha qaxootiga u deweris doonta iyo qaar Xamar u shaqo iyo Nolol doonta. SNM iyada oo Habar Habar u socota oo aan is rabin deriska iyo Somali oo idilna dakano ka qaba waa kuwan soo kala dallaabay.Illayn gebi la cuskadaana.